Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland oo kormeeray Warshadda Labeen
September 29, 2026 - Written by Editor
Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa maanta kormeeray Warshadda Labeen, oo soo saarta noocyo kala duwan oo laga farsameeyo caanaha xoolaha.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey maalgashiga iyo hal-abuurka ganacsatada reer Puntland, isaga oo ku dhiirrigeliyey bulshada ganacsatada ah inay sii xoojiyaan maalgashiga warshadaha iyo wax-soo-saarka gudaha, Horumarinta ganacsiga iyo warshadaha dalku waxay muhiim u yihiin kobaca dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, ka faa’iidaysiga khayraadka dalka iyo xaqiijinta isku-filnaansho iyo sugnaan cunto.
Dowladda Puntland waxaa ka go’an dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista jawi ganacsi oo horseeda in wax-soo-saarka gudaha uu kobco, iyadoo ganacsatada lagu boorrinayo ilaalinta tayada iyo hufnaanta wax-soo-saarkooda.
-DHAMMAAD.

.gif)

