Madaxweynaha DFS oo ka qayb galay munaasabadda furitaanka sannad-tacliimeedka 2026/2027

September 12, 2026 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda furitaanka sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka, taasi oo ka dhacday xarunta dhexe ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in horumarka Soomaaliya uu si weyn ugu xiran yahay tayeynta waxbarashada, kobcinta aqoonta iyo maalgelinta dhallinyarada, isaga oo xusay in jaamacaduhu ay door muhiim ah ku leeyihiin diyaarinta jiil aqoon iyo xirfad u leh hoggaaminta dalka iyo ka qayb qaadashada horumarkiisa.

Madaxweynaha ayaa intii ay socotay munaasibaddu waxa uu daah-furay Hindisaha ABUUR, oo lagu kobcinayo hal-abuurka, curinta iyo xirfadaha ganacsi ee ardayda Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale xarigga ka jaray dhismayaasha cusub ee Kulliyadaha Jaamacadda, xarunta guddiga caafimaadka arrimaha Carabta iyo xarunta gurmadka degdegga ah iyo daryeelka xaaladaha halista ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhagax-dhigay dhismeyaasha guriga martida Jaamacadda Ummadda iyo dhismaha Hal-abuurka iyo cilmi baarista, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya dadaallada lagu tayeynayo waxbarashada sare, tababarrada caafimaadka iyo cilmi-baarista dalka.

———-DHAMMAAD——

Comments are closed.

Archives
September 2026
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online