Madaxweyne ku-xigeenka Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa daah-furay shirka Toddobaadka Qiimeynta Puntland

September 14, 2026 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa daah-furay shirka Toddobaadka Qiimeynta Puntland (Puntland Evaluation Week 2026) oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.

Shirkaan oo hal ku dhiggiisu yahay “horumar ku dhisan xog sugan, qiimayn saxan iyo isla xisaabtan “ waxaa looga hadlayaa xoojinta qiimeyn ku saleysan xog iyo caddeymo, barashada, isla-xisaabtanka iyo dar-darginta barnaamijyada iyo mashaariicda horumarineed ee Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland dadaalka ay galiyay diyaarinta iyo qabashada Todobaadka Qiimaynta Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in go’aannada siyaasadeed iyo kuwa horumarineed lagu saleeyo xog sugan, qiimayn hufan iyo caddaymo la isku hallayn karo, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda ay hab wax ku ool ah uga jawaabaan baahiyaha bulshada.



–Dhamaad——

Comments are closed.

Archives
September 2026
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online