Madaxweynaha DFS oo ka qeyb galay munaasabad loogu xusay Maalinta Calanka Soomaaliyeed

October 13, 2026 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare leh loogu xusay Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taasi oo astaan u ah gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada qaranka ayaa waxaa ka qayb qaatay cutubyo ka kala socday Ciidamada Dhulka, Cirka iyo Badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo si xirfad ciidannimo ku dheehan tahay u muujiyey sida ay uga go’an tahay difaaca calanka, qarannimada, madax-bannaanida dalka iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay qiimaha taariikheed ee maalinka 12-ka Oktoobar iyo kaalinta uu Calanka Soomaaliyeed ku leeyahay sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in calanku yahay astaan ka tarjumaysa midnimada shacabka, himiladii xorriyadeed iyo naf-hurnimadii halgamayaashii Soomaaliyeed ee u soo dagaallamay gobanimada.

Munaasabadda maalinta Calanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha shacabka Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka sare, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka, Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

——–DHAMMAAD——

Comments are closed.

Archives
October 2026
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online