Madaxweynaha Puntland oo Furay Kal-fadhiga 59-aad Ee Baarlamaanka Puntland.

October 25, 2026 - Written by Editor

Garoowe:-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa goob joog ahaa Furitaanka Kal-fadhiga 59-aad Ee Golaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo furay Kal-fadhiga 59-aad, waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka H.E Ilyas Osman Lugatoor, Xildhibaannada Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xeer ilaaliyaha Guud, Xubno katirsan Garsoorka, Isimo, Culimo, ururrada bulshada rayidka ah, saraakiil iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga, isagoo si qoto dheer uga hadlay Waxqabadkii Golaha ee mudada labada kala fadhi,doorka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada metelaadda shacabka, xeer-dejinta, kormeerka hay’adaha dowladda iyo samaynta korjoogtaynta Golaha Wakiillada.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka horjeediyey Golaha waxqabadka Xukuumadda muddadii u dhaxayasey labada kalfadhi, islamarkaana si rasmi u furay Kal-fadhiga 59-aad, sida ku xusan qodobka 80-aad, farqaddiisa 12-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland.

————-DHAMMAAD –——–

Comments are closed.

Archives
October 2026
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online