118 Arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Turkiga

September 24, 2011 - Written by

Garowe, Sept, 24 – :-Wasaarada waxbarashada ee dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in 118 arday ay ku guuleysteen deeq waxbarasho oo ka timid dalka Turkiya ka dib markii imtixaan laga qaaday arday gaareysa ilaa 4000 oo arday sida ay saxaafada ka sheegeen masuuliin ka tirsan wasaarada waxbarashada Puntland.

Xarunta wasaarada waxbarashada ee Puntland ayaa waxaa ku sugnaa xiliga la qaadayey imtixaanka Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Siciid Faarax Juxa, iyo kuxigeenadiisa,,wasiiru dawlaha maamul wanaaga, agaasimayaal iyo hawlwadeenada ka tirsan wasaaradaha kala duwan ee Puntland.

Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa qaadista imtixaanka masuuliin iyo macalimiin ka tirsan wasaarada waxbarashada ee dalka Turkiya iyo Ismaaciil Maxamed C/laahi oo ah agaasimaha daladaha waxbarashada gaarka ah ee DFKM ahna wakiilka wasaarada waxbarashada ee Soomaaliya .

Agaasimaha guud ee waxbarashada Puntland Cabdiqadir Nuux iyo agaasimaha mashaariicda ee wasaarada waxbarshada Maxamed Cali Faarax ayaa ka hadlay goobta waxay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in arday tiradaas gaareysa ay waxbarasho u aadaan dibada dalka gaar ahaan dalka Turkiya waxayna halkaas ka akhriyeen ardayda ku guuleysatay deeqda waxbarasho magacyadooda.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Siciid Faarax Juxa ayaa gabagabadii kulanka ka hadlay wuxuuna sheegay in  uu aad ugu faraxsan yahay in ardayda tiro intaas le,eg ku guuleystaan deeqdaan waxbarasho ee ka timid Turkiya isaga oo la dardaarmay dhamaan ardaydii ku guuleysatay deeqda waxbarasho.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online