118 Arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Turkiga

September 24, 2011 - Written by

Garowe, Sept, 24 – :-Wasaarada waxbarashada ee dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in 118 arday ay ku guuleysteen deeq waxbarasho oo ka timid dalka Turkiya ka dib markii imtixaan laga qaaday arday gaareysa ilaa 4000 oo arday sida ay saxaafada ka sheegeen masuuliin ka tirsan wasaarada waxbarashada Puntland.

Xarunta wasaarada waxbarashada ee Puntland ayaa waxaa ku sugnaa xiliga la qaadayey imtixaanka Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Siciid Faarax Juxa, iyo kuxigeenadiisa,,wasiiru dawlaha maamul wanaaga, agaasimayaal iyo hawlwadeenada ka tirsan wasaaradaha kala duwan ee Puntland.

Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa qaadista imtixaanka masuuliin iyo macalimiin ka tirsan wasaarada waxbarashada ee dalka Turkiya iyo Ismaaciil Maxamed C/laahi oo ah agaasimaha daladaha waxbarashada gaarka ah ee DFKM ahna wakiilka wasaarada waxbarashada ee Soomaaliya .

Agaasimaha guud ee waxbarashada Puntland Cabdiqadir Nuux iyo agaasimaha mashaariicda ee wasaarada waxbarshada Maxamed Cali Faarax ayaa ka hadlay goobta waxay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in arday tiradaas gaareysa ay waxbarasho u aadaan dibada dalka gaar ahaan dalka Turkiya waxayna halkaas ka akhriyeen ardayda ku guuleysatay deeqda waxbarasho magacyadooda.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Siciid Faarax Juxa ayaa gabagabadii kulanka ka hadlay wuxuuna sheegay in  uu aad ugu faraxsan yahay in ardayda tiro intaas le,eg ku guuleystaan deeqdaan waxbarasho ee ka timid Turkiya isaga oo la dardaarmay dhamaan ardaydii ku guuleysatay deeqda waxbarasho.

M_M Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ascw,salan dhamn webka & booqadayashaba intaa dabadeed waxaan aad iyo aad u soo dhaweynayaa in ardey soomaliyeed ay waxbarasho dibada ah ay helaan waxaana kale oo aan u mahad celinaya dadka suura geliyey oo uu horeeyo maamulka puntland/dfkm & dhamaanba wasiirada & agaasimayaashaba una mahdcelinaya in aaney ka iman qeylo ah in laalush lagu kala qaatey waanu soo dhaweyneynaa waana mahad celi neynaa, waxanse aad & aad uga rajo xumahay in aysan ardaydaani noqdaan kuwo ka biyo dhaliya rajada wadankooda & naftooda & eheladoodaba oo dhamaan u hanweyn sababtoo ah kuwii hore meesha ay mareen bey u badan tahay oo tahriib ay ku galeen Greece ama yurub marka waxan aad & aad u jeclan lahaa in lala dardaarmo ayna ku dadaalan in ay dhameystan wax barashoda meesha u socda waa yurube aysan heleyn janiskan oo kale waana in la kontoroolo oo lala socdo meelaha ay degayan waxna ku baranayan oo la hubiyan in aysan tahriibeyn mar labaad guuleysta dhan ardeyda & mamulaysha howsha mamuley gaar ahaan wasiirka waxbarasha puntland cabdi sicid juxa howl kar bad tahay waxad qabateyna taarikhda baa qori@@@@@@@@@@@@@@

Leave a comment

*