3 askari oo ka tirsanaa DFKM oo lagu dilay saaka degmada Dharkeenley

September 21, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaaa saaka waxaa ay weerar gaadmo ah ku dileen ilaa 3 askari oo ka tirsan ciidanka DFKM ka dib markii weerar ay ku ekeeyeen bar Koon trool oo ay ku lahaayeen degmada Dharkeenley.

Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa markii ay dilka u geysteen 3-da askari oo ka tirsanaa DFKM  waxaa ay ka qaateen hubkoodii iyagoo goobta si nabadgelyo ah uga baxsaday goobta ay dilka ka fuliyeen.

Ciidan ka tirsan  DFKM iyo AMISOM ayaa soo gaaray goobta lagu dilay ciidanka DFKM iyagoo ka bilaaway howl galo mana jiraan ilaa hadda cid loo qabtay falka lagu dilay ciidanka DFKM, dilka askarta DFKM ayaa waxaa uu ka dhacay  bar Koontrool oo ku taal xaafada Xoosh.

Ilaa hadda ma jiraan Saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab oo ka hadlay dilka loo geystay ciidanka DFKM balse  waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay sheegtaan dilka loo geystay ciidanka DFKM.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online