Xog-haya guud ee Jaamacadda Carabta oo berri booqanaya dalka Suuriya

September 6, 2011 - Written by

Qaahira:-Mas’uul ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in xog-hayaha guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al-carabi uu magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya u duulayo maalinta berrito ah si uu usoo indha idheeyo cabsida xoogan ee dowaldaha carabta ay kamuujinayaan rabshadaha looga soo horjeedo Bishar Al-asad ee ka socda dalkaas.

Socdaalka Shaqo ee xog-haya guud ee Jaamacadda carabta uu berri ku gaarayo magaalada Dimishiq ayaa imaanaya kadib markii kulan wasaareedkii ay yeesheen wasiirada arrimaah dibadda ee dowladaha carabta 28-kii August ee sanadkan ay u wakiisheen Nabiil Al-carabi in tago Suuriya si hoggaamiyayaasha dalkaasi uu ugu gudbiyo in ay joojiyaan dhibaatada ka taagan dalkaas.

Nabiil Al-carabi waxa uu tilmaamay in dalka Suuriya uusan kasoo hooyi doonin damaana qaad ku aadan joojinta dhibaatada balse uu u bandhigayo hadalka uu kasido dowladaha carabta islamarkaana uu dahgeysan doono araada dowladda Suuriya iyo sida ay u aragto joojinta rabshadaha.

In kabadan laba kun oo qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen rabshadaha bilooyinka ka socda dalka Suuriya ee looga soo horjeedo Madaxweynaha Suuriya Bishar Al-asad.

Xukuumadda Suuriya waxa ay in badan sheegtay in dalkeeda ay qasayaan kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda deganaasha Suuriya.

Hey’adda Caalamiga ee Bisha Cas waxa ay sheegtay in dowladda Suuriya ay markii ugu horeysay u ogolaatay in ay booqdaan xabsiyada dalkaas si ay u qqiimeeyaan xaaladda maxaabiista kujira xabsiyada dalkaas.
Xuseen Nuur Xaaji (Nasiib)

Nasib_10@yahoo.com

Xafiiska Warqabadka Nairobi, Kenya

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online