AMISOM oo qiratay in ay ka danbeysay dilkii Weriye u dhashay dalka Malaysia

September 27, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM ayaa shalay shaaciyey in askar ka mid ah ciidankooda ay ka danbeeyeen dilkii loogu geystay magaalada muqdisho wariye u dhashay dalka Malaysia.  Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Paddy Akunda ayaa sheegay in markii ay baaritaan dheer sameeyeen ay ku ogaadeen in wariye Noramfaizul Mohd Nor ay dileen askar ka tirsan ciidanka Burundi ee ka howl gala magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciiidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Paddy Akunda oo la hadlay saxaafada ayaa u xaqiijiyey in ilaa 4 askari oo u dhashay dalka Burundi loo hayo dilka wariyaha dhawaan la horkeeni doono Maxkamad. Waa markii ugu horaysay oo dil ka dhaca magalada Muqdisho ay qi taan ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho iyadoo dilal dhowr ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho lagu dilay ama lagu dhaawacay wariyaal dhowr ah.

Weriye Noramfaizul Mohd Nor ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho 2-dii bishan September xilli uu ku howlnaa howshiisa isagoo la socday Hay,ad gar gaar ah oo ka timid dalka Malaysia si ay u caawiso dadka soomaaliyed ee ay abaaruhu ku dhufteen.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online