Baaq Nabadeed oo ay Boosaaso ka soo saareen Isimo, Culimo iyo Waxgaradka Gobolka Mudug

September 7, 2011 - Written by

Boosaaso:-Shir ay ku yeesheen magaaladda Bosaaso waxgaradka ka sooo jeeda gobolka mudug oo ka kooban qaybaha kale duwan ee bulshada (Isimo, Culimo, Ganacsato, Aqoonyahan) ayaa waxay ka soo saareen baaq nabadeed oo ku aadan dhacdadii ka dhacday Magaaladda Gaalkacyo.

 

1.    Waxaanu ka xunahay dagaalka ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo uu ku daatay dhiiga xurmada leh ee dadka Muslimiinta ah.

 

2.    Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaalkacyo inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda iyo wax kasta oo keeni karta colaad danbe.

 

3.    Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo inay wada hadalka taageeraan aqbalaana waxgaradka xal doonka ah.

 

4.    Waxaan bulshada Gobolka Mudug iyo jaaliyadaha dibadda ugu baaqaynaa inay taakuleeyaan dadka farabadan oo ku wax yeelloobay dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

 

5.    Waxaanu  tacsi u diraynaa dhammaan Eheladii iyo Qaraabadii ay wax ka soo gaareen ( geeri, dhaawac iyo burbur hantiyeedba)  iyo In ALLE siiyo badel khayr leh iyo samir.

 

6.    Waxaanu ka digaynaa haddii ay jiraan in loo dhago nuglaado qorshayaal ay wataan dad leh dano maldahan oo ay ku doonayaan inay ammaanka faraha kaga saaraan abuuraanna qalalaase iyo xasilooni darro si ay u fushadaan ujeeddooyinkooda gaarka ah.  Ewrsanay.

 

7.    Waxaan ugu baaqaynaa dadwaynuhu inay ka digtoonaadaan dhamaan dacaayadaha iyo wararka ka fog xaqiiqda.

 

8.    Waxaan taageersanahay  una mahad naqaynaa dadaaladda ay wadaan dhinacyada kala duwan ee kala ah Isimadda, Culimadda iyo dhamaan wax garadka ka kala yimid degaanada kale duwan.

 

Dadka saxiixay baaqan nabadeed.

 

 

 

1.    Suldaan C/laahi Axmed Nuur.

 

2.    Dr Axmed xaaji C/raxmaan.

 

3.    Sh Maxamed Macalim Axmed.

 

4.    Sh axmed Faarax Garaase.

 

5.    Ganacsade C/naasir Maxamed Xuseen Gurey.

 

6.    Ganacsade C/laahi Warsame Jaamac.

 

7.    Ganacsade Ismaaciil C/salaam Warasme.

 

8.    Ganacsade Nuur C/laahi Diiriye.

 

9.    Ganacsade Cali Jaamac Cali Food.

 

10. Ganacsade Saciid Jeezaan.

 

11. Ganacsade Eng Maxamed C/qaadir.

 

12. Dr Maxamed Cadi Aadam.

 

13. Jaamac Xaaji Warsame.

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online