Baaq Nabadeed oo uu soo saaray Islaan Bashiir Islaan Cabdulle

September 4, 2011 - Written by
Gaalkacyo:Waxaa maanta baaq nabadeed oo uu ku codsanayo in la joojiyo dagaalka iyo colaada ka dhacday magaalada Gaalkacyo soo saaray Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ah Isimad ugu waaweyn Gobolka Mudug,islaanka iyo nabadoonada ,Culimada ayaa ku guulaystay in ay joojiyaan dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo.Islaanka ayaa baaqa uu soo saaray waxaa uu u qoraa sida hoos ku qoranBAAQ NABADEED OO UU SOO SAARAY ISLAAN BASHIIR ISLAAN CABDULLE.
Gaakacyo, Axad, 04. 09. 2011 :axaan ugu horrayn tacsi u dirayaa dhamaan dadkii eheladoodu ku geeriyootay dagaaladii ka dhacay gudaha Magaalada Gaalkacyo, waxaan kaloo Illaahay u waydiinayaa inuu caafimaad siiyo intii ku dhaawacantay.
1. Waxaan baaq nabadeed u dirayaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaalkacyo baaqaas oo ku salaysan Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suuban ee ummadda.
2. Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaalkacyo inay labada dhinacba si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda iyo wax kasta oo keeni karta colaad danbe iyo dagaal.
3. Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaalkacyo inay wada hadal ku xalliyan dhibaatada jirta.
4. Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaalkacyo inay amniga iyo deganaanshaha Magaalada Gaalkacyo si wadajir ah uga wada hortagaan wixii wax u dhimaya.
5. Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaal acyo inay dhawraan wada dhalashada iyo wada dhaqanka dadka ehelka ah ee ku wada nool magaalada gaalkacyo.
6. Sidoo kale waxaan bulshada Gobolka Mudug iyo jaaliyadaha dibadda u soo jeedinayaa in la soo taakuleeyo dad farabadan oo ku wax yeelloobay dagaaladii ka dhacay Magaalada.

WABILLAAHI TOWFIIQ
ISLAAN BASHIIR ISLAAN CABDULLE

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online