Banaanbax ka dhacay saaka degmada Badhan ee Gobolka Sanaag

September 27, 2011 - Written by

Badhan:-Waxaa maanta ka dhacay magaalada Badhan ee  Gobolka Sanaag banana bax looga cabanayo qaabkii loo maareeyey Imtixaankii deeqda waxbarasho ee ay ugu deeqday dowllada Turkiga dalka Soomaaliya gaar ahaan degaanada Puntlland.

Bananbaxaan ayaa waxaa soo abaabulay ardayda wax ka dhigta Skuulada kale duwan ee ku yaal magaalada Badhan, ardayda ayaa banaan
baxooda saaka waxaa ay ku muujiyeen sidda ay uga xun yihiin natiijadii ka soo bax Imtixaanaadkii lagu qaaday Garoowe iyo Gaalkacyo.

Banaanbax ayaa waxaa kale oo ka qayb galay waalidiinta iyo masuuliyiin ka tirsan madaxda Skuulada Badhan iyagoo dhaliil u soo jeediyey sidda ay wasaarada waxbarashad ee Puntlland ay u maareysay deeqdii waxbarashao ee laga hellay dalka Turkiga.

Masuuliyiinta Puntland ee Badhan ,Waxgarad , odayaal kale duwan oo la hadlay ardayda ayaa eed dusha uga tuuray masuuliyiinta wasaarada waxbarshada ee Puntlland iyagoo ku eedeeyey maamul xumo,Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Dr.Cabdi Faarax Juxaa  oo la hadlay saxaafada ayaa iska fogeeyey eedeynta loo jeediyey wasaaradiisa isagoo sheegay in wasaaradiisu ay howsha fududeysay oo kaliya blas eimtixaanka qaadistiisa iyo sixitaankiisa ay lahaayeen macalimiin Turki ah.

 Ilaa iyo intii ay soo baxday Natiijooyinkii deeqda waxbarashade ee lag hellay dalka Turkiga ayaa waxaa ka soo baxayey degaano ka tirsan Puntlland, Gal-Mudug dhaleecayn iyo eedo loo jeedinayo wasaarad waxbarashad ee Puntlland iyo Gal-Mudug.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. asalumu calaykom
    walaalayaal salan ka dib waxa ah wax laga naxo oo laga xumaaddo in ay dowladda puntland sinnan iyo caddalad wax ugu qaybin wayso dadeedda anigu marka hore waxan aad iyo aad uga xumaaday siddi dowlladda dhexe oo moqdisho isugu kooben 250 arday oo turkigu u fideyey wax barasho waxan see la yaabay puntland oo garowe iyo galkacayo ku koobtay ardayddi loo fidiyey wax barashadda. marka haddiiba ay puntland sida tahay xamar maxan u yaabeyna. waxan ku gaabinaya somali alle xaqa iyo caddaaladda ha tusu oo qulubtoodda ha isu soo jeeddiyo

  2. asc wr wb waxaan bulshada soomaaliyeed ugu baaqayaa inay ka fiirsadaan

    deeqaha bilaashka ah ee ay wadaan turkiga iyo iiraan iyo weliba kuwa

    yurub waayo waxaa ku hoos jira kirishtaamayn iyo in aan dib danbaba loo

    arag ilmahaas waayo wadamadaanu waxay doonayaan inay ka sii iibiyaan

    shirkado kale oo ajnabi ah oo iyagaba dabada ka riixaya waana wada

    masiixi iyo shiico ee halaga digtoonaado .

    ninkaanse ka joogaynow ogow meesha ay wax ku danbeeyaan ilmahaagana

    meel aadan hubin halisteeda ha u horseedin ee horseed u dirso

    hubsiimana yeelo intayan ku haadsan .

Leave a comment

*