Barakacayaal maanta banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho

September 14, 2011 - Written by

Muqdisho, Sept, 13 – Waxaa maanta  banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho qoysas barakacayaal ah oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 700 oo qoys , dadkaan bara kacayaasha ah ee ka soo hayaamay gobollada ku xeeran Gobolka banaadir  ayaa  saxaafada u sheegay  in aysan helin wax gargaar ah  oo wixii caalamku ugu deeqay la lunsaday.

Dibada baxayaasha oo ay muuqtay  rafaad iyo diif  ayaa waxaa ay iskugu yimaadeen markii danbe Is-goyska Sayidka  iyagoo watay boorar ay ku qornaayey hal ku dhagyo lid ku ah  kuwa dhaca gargaarka caalamku ugu deeqay dadka abaaruhu halakeeyeen ee ku nool magaalada Muqdisho.

Barakacayaasha ayaa waxaa  ay dhaliil u soo jeediyeen masuuliyiinta DFKM iyadoo aysan jirin masuul ka tirsan DFKM ama Gobolka Banaadir oo la hadlay barakaca yaasha  maanta iskugu soo baxay magaalada Muqdisho,

Banaanbax maanta ay ka dhigeen magaalada Muqdisho barakacayaasha ayaa waxaa uu nqonayaa kii ugu weynaa, dibadbaxa ay dhigeen barakacaaasha ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili beesha caalamka  ay gargaar kale duwan soo gaarsiisay magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online