Xilibaan C/raxmaan Axmed Xaaji oo lagu aasay Gaalkacyo iyo howl gal weli ka socda magaalada

September 21, 2011 - Written by

Gaalkacyo:- Waxaa saaka lagu aasay magaaada Gaalakcyo ee xarunta Gobolka Mudug Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Koodhaa oo xalay 2 nin oo hubaysan ay ku dileen xaafada Israac ee mgaalada Gaalakacyo.

Aaska Xilibaan C/ramaan ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta gobolka Mudug ee Puntlland gaar ahaan gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac, Duqa degmada Gaalkacyo Col.Siciid Cabdi Faarax, , saraakiil ciidan oo uu horkacyey Taliyaha guud ee ciidanka Difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere),iyo wasiiro ka tirsan xulkuumada Puntlland oo in mudo ah ku sugnaa magaalada Gaalkacyo , Wasiirada ka soo qayb galay aaska Xilibaanka ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga dowllada Puntlland Col.Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Shaqada,shaqaalaha,dhalinyarada Cabdiweli Xirsi cabdulle, Wasiirkii hore ee Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr.Bashiir Cali Bixii iyo siyaasiin kale duwan.

Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Booliska ee Puntland ayaa xalay ilaa saaka aroortii waxay howlgalo ka wadaan xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug,Ciidamada ayaa baaraya dhamaan gawaarida iyo guryaha xaafada Israac waxaana ay soo qabteen ilaa 12 qof oo u bdan dhalinyaro oo looga shakisan yahay in ay falal amni xumo ah ka wadeen magaalada Gaalkacyo sida uu saxaafada u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxda Dowlada Punland ayaa cambaareysay dilka xalay loogu geystay xildhibaan  Cabdi Raxmaan “Kodhaa” mgaalada Gaalkacyo waxaan ay sheegeen in tilaabo ay ka qaadi doonaa cidii falkaas in ay ka danbaysay ay ku cadaato.

Shacabka magaalada Gaalkacyo oo uu mikaroofanka la dhex qaaday wariye ka tirsan Halgan.net ayaa waxay u sheegeen in madaxada gobalka Mudug ay la yaaban yihiin xili ay sugi waayeen amaanka iyo shacabka ay madaxda u yihiin ay ku mashquuleen qashin gurid .

Waxgaradka iyo Isimada Gobolka Mudug ayaa waxay u fadhiyaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen magaalada Gaalkacyo oo ah magaalada 2aad ee ganacsiga Puntlland. Mid ka mid ah Isimada ugu culus Puntland ayaa Halgan.net u sheegay in ay wadaan in ay qabtaan kulan ay iskugu imaanayaan dhamaan Isimada iyo Nabadoonada Puntland si loo adkeeyo amaanka iyo jiritaanka Puntland oo leh cadow wajiyo badan waa sida uu hadalka u dhigaye.

M_M Deeq
Halgan.net

6 Comments so far

Leave a comment

  1. A/c w.wbr. Inalillah wa,inailahi rajicuun waxan tacsi udirayaa qoyski iyo ahaladi owkageriyoday marxumka walala yal manta waxa isweydinmudan inleysweydiyo qofmuslim ah indil barer ah leyskadilo waxmacna laheyn qofboqola ah nafta logaqado amaba anwaxba galabsan,lkn taas waxaba kasidaran maxay dowlada puntland aydowlad nimada ushegane hadeysan waxba kaqaban karin amanka guud edadka iyo gobolka aykatalisodhan. wabilahi twfiq?

  2. aallah u naxariisto marxuum c/raxman eheladii uu ka baxayna samir iyo iiman Allaha ka siiyo,runtii wa arrin yaableh dilka isdaba jooga ah ee haldoorka la la beegsanayo,ilaahoow xal dagdaga isuu deji Umaddaan. Amin

  3. Inaa illaahi wa inaa illaahi raajucuun.Allaha u naxariisto marxuum
    abdiraxman Axmed Xaji Kodhaa Samir iyo iimana allaha kasiiyo dhamaan familigii iyo eheladii uu katagay,isagana illaahay casawejale waxaan uga baryeynaa janatul fardows,dambi dhaaf iyo naxariis aamiin.aamiin.aamiin.

  4. A/c/w/w waxaan tacsi u dirayaa qoyskisii iyo eheladisii marxumkana illahay ha u naxariisto janadiina eebe ha geeyo

  5. WAXAAN NACAA MARKAAN MAQLO NIN BAA LADILAY KADIB AYAA HOWLGALO AAN NATIIJO LAHAYN LAGU BOODAA … WAXAAN KADAALAY MAAMULKA IN UU SAMEYSTO MUQAABARAAD DHARCADA OO DADKA LAGU DHEX DAAYO SI AY U SAHLANAATO QABASHADA GACAN KU DHIIGLA YAASHA DADKA LAAYA EE QANDARAASAHA SOO QAATA WAA IN LA HELO DHARCAD CIIDAMO AH OO HOWSHAAN SAHASHA DADKII WAA LA DEEN SIDII MID MID LOO LEYNAYAY…

  6. Asc. Waano iyo abuur wax horeeysey Abuur.Xildhibaanka Rabi ah u naxariisto ahna ka waraabsho Janad Fardhoosa waxaana dishey gacan ka xaq daran. Waa wax laga naxo qof aan waxba galabsan oo loo dilo si kas iyo bareer ah.Xildhibaan Cabdi Cabdirxamaan Kodha oo xalay lagu diley Xaafadda Israac.
    Iyada oo lagu jirey in la helo waawaan iyo maslaxaad la dhex dhigo Maamulka Puntland iyo Kooxda Alshabaab ee degan Gobolka Mudug. taas oo dad badani u arkaan arrin aad u qaldan. arrinta xalay dhacday waxeey markhaati ka tahay ama ay ina tuseeysaa in kooxdii fulin jirtey xasuuqa ka taagan Galkacayo ee weli taagan tahay war maa rabno heshiis ee wax kale ma haysaan.

    Dadka qaarkiisna weli aaminsanyihiin in reer lagu duuley. Puntland waa loo tashay.taladu waxeey ka timi dhowr jaho oo kala duwan,waxaana is biirsaday cadowyo badan oo ka soo kala jeeda dhinacyo badan.
    Dawlad maanta ka jirtaa Puntlandna uma yeelan feegigo Fiican oo looga hortago Shirqoolkaas. Dadka reer Puntland qaar baa difaaca shirqoolka la rabo in lagu dunsho maamulka ka jira Puntland.
    Maamulka Puntland xil baa ka saaran inuu difaaco dalka iyo dadkiisa haddii kale uu wareejo xilka loo idmaday. Galkacayo waxeey u baahantahay in lagu qabto gacan bir ah sidii GalGal oo kale. ee uma baahan Boqol isimi iyo boqol caaqil waxeeyni keeni karaana ma jirto.marka waa in la isticmaalo
    cudud milateri (use to Force. wixii intaas ka baxsan, waa Puntland oo la qabsado. Waxaan kula talinayaa Dadka jecel Jirtaanka Reer Puntland waa ineey ka qayb qataan difaac dalka lagu soo duuley taas oo waajib ku ah qof kasta oo reer Puntland ah inta jecel ineey sii jirto Puntland. Rabiyow badbaadi Puntland iyo dadkeeda.
    aamin aamin aamin.

Leave a comment

*