Ciidanka Amaanka ee Gaalkacyo oo qabtay ilaa 10-ruux

September 24, 2011 - Written by

Gaakacyo:-Ciidanka Booliska iyo kuwa Daraawiishta ee Puntlland ayaa xalay ilaa saaka howl galo ay ka ka sameeyeen xaafadaha magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Xaafada Israac waxaa ay ku qabteen ilaa 10 dhalinyaro ah iyagoo u dhaadhiciyey Xabsiga magaalada Gaalakacyo.

Taliyaha qeybta ciidanka booliska ee Gaalkacyo C/rashiid Cadceed oo saxaafada la hadlay saaka ayaa waxaa uu sheegay in ciidanku ay sii wadi doonaa howlgalad ay wadaan ilaa inta ay ka soo qabanayaan kuwa soo maleega dilalka iyo qaraxyada lala beegsado xubnaha maamulka ee Gaalkacyo iyo dadka waxgaradka ah ee ku nool magaalada.

Taliyaha qeybta ciidanka booliska ee Gaalkacyo C/rashiid Cadceed ayaan is rasmi ah uga waramin wax natiijo ah oo ka soo baxay howlgalka ay magaalada Gaalkacyo ka sameeyeen ciidanka Booliksa iyo kuwa Daraawiishta ee Puntlland.

Ciidanka Booliska iyo kuwa Darawiishta ayaa waxaa caado u ah in marka qarax dhaco ama dil qorshaynsan ay sameeyeen howl galo ay dad ku qabtaan iyagoo aan saxaafad uga waramin wax ka soo baxay howl galka ay sameeyaan arrinkaas oo ay dadweynaha ku dhaqan Gaalkacyo
ay ku dhaliilsan yihiin Saraakiisha ciidanka.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Maxmed Yuusuf  Jaamac (Tigeey) ayaa xalay ka badbaaday isku day la doonayey in lagu khaarajiyo ka dib markii gaari uu la socday lala eegtay miinada dhulka lagu aaso, kooxaha dilalka ka fuliya magaalada Gaalkacyo ayaa iyagu ah kuwa qaraxyada iyo dilalka ay fuliyaan aad u soo qorshayeeya iyagoo la socda dhaqdhaqaaqa dadka ay rabaan in ay dilaan.

Ciidanka Sirdoonka ee dowllada Puntlland ayaa ah kuwa  ilaa hadda saxaafada aan horkeenin
howlo dabagal oo ay u guulaysteen arrinkaas oo muujinaysa dabacsaan dhinaca sirdoonka oo haraysay laamaha kala duwan ee ciidamada Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. waxaan leeyahay kii noolaada nooqo oo ka guuleysta dadka dadka laaya sida argagaxisada

Leave a comment

*