Ciidanka Booliska Gaalkacyo oo howl galo ay sameeyeen ku qabtay ilaa 12 qof

September 21, 2011 - Written by

Gaalkacyo,Sept,  21 Ciidamada Booliska ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa xalay ilaa saaka howl galo ay ka sameeyeen  xaafadaha magaalada Gaalkacyo waxaa ay ku soo qabteen ilaa 12 qof oo looga shakisan yahay in ay ka danbeeyeyn dilkii xalay magaalada loogu geystay xilibaan ka tirsanh golaha wakiilada Puntlland.

Ciidanka Booliska magaalada Gaalkacyo ayaa ilaa saaka wada baadi goob ay ku raadina yaan cidii ka danbaysay ama fulisay dilkii xalay ka dhacay Gaalkacyo, magaalada Gaalkacyo ayaa ilaa intuu uu ka dhacay dagaalka waxaa ay ka nasatay dilal qorshayn oo ka dhici jiray magaalada dilalkaas oo lagu bartil maamsan jiray xubnaha ka tirsan maamulka iyo dadka waxgaradka ah ee ku nool magaalada.

Dadka ay ciidanku soo xireen ayaa waxaa ay inta badan ka soo qabteen xaafada Israac oo ah goobta lagu dilay allaha u naxariistee xilibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji oo lagu naanayso (Koodhaa).
Saraakiisha ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaan ilaa hadda uga warami saxaafada in ay cid rasmi ah u qabteen dilkii xalay dhacay iyo howl galada ay sameeyeen wax natiijo ka soo baxday.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online