Ciidanka DFKM oo soo bandhigtey dameer laga soo raray waxyaabaha qarxa

September 23, 2011 - Written by

Muqdisho:-Hay’adda nabadsugida ee DFKM ayaa saaka waxay soo bandhigeen dameer laga soo rakibay waxyaabaha qarxa, kaas oo ay sheegeen ciidanka DFKM in la doonayey in lagu khaarajiyo saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM ,ciidamada Amniga ee Muqdisho ayaa ku eedeeyey in Al-Shabaab ka danbeeyaan Dameerka lagu soo xiray Bamka.

Afhayeen u hadley ciidanka amaanka ee DFKM oo la yiraahdo  Ibrahim Cumar Aadan ayaa saxaafadda u sheegay in al-Shabaab ay ka danbeeyaan Bamka lagu  soo rakibay Dameerka ee lagu qabtay agagaarka Ex-Kontorool.

Ilaa haatan ma jiraan cid u hadashay Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay Dameerka ay sheegeen ciidanka DFKM ay ku qabteen agagaarka Ex-Kontorool.

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Waa yaab dameerku soomaahan xayawwaan nafley ah oo ilaahay abuurtay yaa banneeeyey in la qarxiyo

Leave a comment

*