Dagaal ka dhacay duleedka degmada Gabahaarey

September 28, 2011 - Written by

Garbahaarey:-Waxaa maanta uu dagaal iyo iska horimaad hubeysan uu ku dhexmaray duleedka degmada Garbahaarey ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab iyo ciidamo daacad u ah DFKM, dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka lagu magacaabo Reys-qoray oo 12-km u jirta degmada Gabahaarey.

Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay dagaal ku qaadeen fariisamo ay ciidanka DFKM ku lahaayeen degaanka Reys-qoray,  Dad shacab ah oo ku nool  Degmada Garbahaarey ayaa saxaafad u xaquiiyey in uu jiro dagaalku.

 Dagaalka saaka ayaa waxaa  ku dhintay ilaa 12 dhalinyaro ah oo ka wada tirsan dhinacyadii dagaalka uu u dhexeeyey , dagaalka ayaa 2 dhinac ay isku adeegsadeen hubka fudud iyo kan culus.  Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka DFKM oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in fariisamahooda ay soo weerareen ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ayna iska difaaceen isagoo ku dooday in goobtii dagaalku ka dhacay ay weli joogaan ciidankooda.

Saraal u hadlay ciidanka Al-shabaab ayaa xaqiiyey in uu dagaalku dhacay isagoo sheegay in ciidankooda ay hadafkii ay lahaayeen ay ka gaareen dagaalka , Sarkaalkaan ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalka ay dhawaan siin doonaa saxaafada ka howl gashay magaalada Muqdisho iyo degaanada ku dhow dhow.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online