Dagaal saaka ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Gal-Gaduud

September 13, 2011 - Written by

Dhuusamareeb: Dagaal xooggan oo u dhexeeya Al-shabaab iyo Ahlusunaha uu ku dhexmaray duleedka  degmada Dhuusa-mreeb ee Gobolka Gal-Gaduud, dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay fariisamo ka dhigteen duleedka degmada Dhuusamareeb taas oo sababtay in ciidamo ka tirsan Ahlusunah ay weerareen fariismaha Al-shabaab.

Dagaalka saaka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac wuxuuna dagaalka xooggiisa ka dhacay degaanka Beerta Xooteeye oo 20-KM u jirta degmada Dhuusamareeb, dagaalka ayaa 2 dhinac ay isku adeegsadeen hubka kale duwan waxaan wararka laga hellayo rugaha caafimaadka ay sheegayaan in  ilaa 3 qof ay ku dhinteen dagaalka saaka halka 7  kalena ay ku dhaawacmeen.

Sarkaal lagu magacaabo Cabdiweli Xaaji oo ka tirsan Ahlusunah oo la hadlay saxaafad ayaa waxaa uu guul ka sheegtay dagaalka saaka dhacay isagoo sheegay in ciidankiisu ay weerarka ku qaadeen saldhig ay ciidanka Al-shabaab ay ku lahaayeen degaanka Bulacle.

Dhinac Saraakiisha ururka Al-shabaab ayaan iyagu ilaa hada saxaafada uga warami dagaalka saaka ka dhacay duleedka Degmada Dhuusamareeb, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka hadlaan dagaalka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka.

 A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online