Dagaal saaka ka dhacay duleedka Beled-xaawo ee Gobolka Gedo

September 29, 2011 - Written by

Luuq:-Waxaa saaka ka dhacay duleedka magaalada Beled-xaawo gaar ahaa degaanka Libaaxoow iska horimaad hubeysan oo u dhexeeya ciidanka Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan DFKM, dagaalka saaka ayaa qarxay  ka dib markii ciidamo ka tirsan DFKM oo ku sii jeeday degmada Garbahaarey ay jidka u galeen ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Ciidanka DFKM oo tababar ku soo qaatay dalka Kenya ayaa waxaa ay isla saaka ka soo ruqaansadeen degmada Doolow iyagoo soo maray degaano ka tirsan Beled-xaawo, dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro soo kala gaaray 2-da ciidan ee dagaalku dhexmaray iyadoo aan ilaa hadda wax faahfaahin buuxda laga hayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Ciidanka Al-shabaab ayaa waxaa ay Gobolka Gedo ka wadaan dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyagoo sheegay in khasaaro fara badan ay gaarsiiyeen  ciidanka DFKM oo dhowr jeer ay dagaal dhabo gal ah ay ku sameeyeen. Ciidamo ka tirsan  DFKM oo tababar lagu soo siiyey dowlladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa ku sugan Degmada Doolow  iyo Dhoobleyagaalka saaka ayaa ku soo beegmay xili shalay uu dagaal ku dhexmaray duleedka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ciidanka Al-shabaab iyo kuwa DFKM iyadoo dagaalkaas uu ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray 2 ciidan ee uu dagaalku dhexmaray

 

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online