Dagaal xalay iyo saaka ka dhacay degmada Dhoobley

September 30, 2011 - Written by

Dhooblay:-(Halgan.net) War naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ayaa sheegay in xalay ilaa saaka uu dagaal xooggan uu ku dhexmaray  degmada Dhoobley ciidanka Al-shabaab iyo kuwa Raaskaanbooni oo gacan ka hellay ciidamo daacada u ah DFKM.

Dagaalka ayaa xalay 1-dii habeeno qarxay waxaan ay ciidanka Al-shabaab ka weerareen degmada Dhoobley ilaa dhowr jiho iyadoo dagaalka culayskiisa iyo hubka la isku adeegsanayo laga maqlayey xalay ilaa saaka degaanada ku xeeran degmada Dhoobley.

Wararka is khilaafsan ayaa ka soo baxaya cida gacanta ku haysa degmada Dhoobley waxaana warar hordhac ah ay sheegayaan in xalay ciidanka Al-shabaab ay qaybo ka mid ah degmada Dhoobley ay la wareegeen halka wararka qaarna ay sheegayaa in magaalada saaka ay si buuxa gacanta ugu hayaan ururka Raaskaanbooni iyo ciiidamo raacsan DFKM.

Dagaalka ka dhacay degmada Dhoobley ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xooggan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalku uu u dhexeeyey wararka laga hellayo rugaha caafimaadka ayaa sheegay in ilaa 19 qof in ka badan ay ku dhinteen dagaalka halka ilaa 50 qof  in ka badana ay ku dhaawacmeen.

Khadka is gaarsiinta oo go,an magaalada ayaan ilaa hadda si dhab ah loo aqoon xaalada dhabta ah ee ka jirta degmada Dhoobley iyo khasaaraha gaaray dadka shacabka ah iyo hantidii taalay magaalada.

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online