Dhakhaatiir ka timid dalka Turkiga oo soo gaaray magaalada Boosaaso

September 27, 2011 - Written by

Boosaaso:-Waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Boosaso ee xarunta gobolka Bari Dhakhaatiir ka timid dalka Turkiga kuwaas oo maalmihii u danbeeyey qaliimo dhinac caafimaadka ah ka samaynayey Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhakhaatiirtaan ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweyey magaalada Boosaaso masuuliyiinta Gobolka iyo degmada  , Isimo, Nabadoono, Dhakhaatiir,arday , iyo dadweyne aad u fara badan, Dhakhaatiirta ayaa waxaa socdaalkooda ku weheliyey wasiirka caafimaad dowllada Puntlland Dr.Cali Cabdilaahi Warsame iyo saraakiil ka tirsan wasaarada caafimaadka.

Dhakhaatiirta Turkiga ayaa waxaa loo galbiyey Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso oo ay ku sugayeen dadweyne fara badan oo sugaya in ay hellaan adeeg caafimaad oo lacag la,aan ah, Dhakhaatiirta Turkiga ayaa waxaa ay xog waraysi ka dhagaysteen Dhakhaatiirta ka shaqay naysay Isbitaalka Boosaaso iyagoo uga waramay inta bukaan ku jirta Isbitaalka iyo xaaladiisa guud.

Wasiirka Caafimaad ee Puntlland Dr.Cali Cabdilaahi Warsame oo saxaafada kula hadalay gudaha Isbitaalka Boosaaso  ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Boosaaso in ay ka faa.iidaystaan adeega caafimaad ee lacag la,aanta ah ee ay ugu deeqeen Dhakhaatiirtaan Turkiga ah ee walaalahood ah.

Dhakhaatyiirta ka timid dalka Turkiga ayaa waxaa ay adeeg caafimaad ugu sameeyeen Isbitaalka magaalada Gaalakacyo ilaa dad gaaraya  1213 oo qof kuwaas oo qaba bukaano kale duwanoo qaarkood lagu sameeyey qaliimo culus.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online