Dhaqaatiirta ka timid dalka Turkiya oo howlo caafimaad ka fuliyey Gaalkacyo

September 24, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Dhaqaatiirta ka timid dalka Turkiya ayaa ku dhawaad 300 oo qof oo qabay xanuuno kala duwan ku sameeyey qaliimo lacag  la’aan ah waxaana dhaqaatiirta ay ku sameyeen qaliinka cisbitaalka guud ee magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhaqaatiirta qalliimadaan fulinaya ayaa ku sugan magaalada Gaalkacyo maalintii 2-aad waxaana isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo soo buuxdhaafiyey dadweyne badan oo oo raba in qaliin looga sameeyo indhaha iyo kuwa ay buro ku taal .

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame  oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in howlaha caafimaad ay ka fuliyeen dhaqaatiirta ka timid dalka Turkiya ay ka faaiideysteen dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimid dhamaan gobalka dalka Soomaaliya.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online