Diyaarado duqeeyey duleedka Kismaayo.

September 17, 2011 - Written by

Kismaayo,sep 17 Diyaaradaha aan laheyn duuliyaasha ee Mareykan ka ayaa shalay waxa ay duqeyn ka geysteen deegaan ku dhow magaalada Kismaayo xarunta gobol ka J/hoose. Wargeyska the Nation ee  ka soo baxa Mareykanka ayaa waxa uu sarkaal ururka al-shabaab ka tirsan ka soo xig tay in duqeyntu ay jirto oo ay ku dhinteen 12 qof oo rayid ah oo haween iyo caruur u badan, waa sida wargeysku qoraye.

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in dad dhaawac ah la keenay xarumaha caafimaadka, waxaana jirta in wararka qaarkood ay tibaaxa yaan in saraakiil ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ay dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaareen duqeyntaasi.

Faah-faahin buuxda lagama hayo khasaaraha ka dhashay duqeynta diyaaradaha, iyadoo dowladda Mareykankana ayan ka warbixinin, sidoo kale masuuliyiinta ururka Al-Shabaabul Mujaahidiin war rasmi ah kama soo saarin arintaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo diyaarado ay duqeeyaan deegaanka, iyadoo horey sidan oo kale duqeymo ceynkan oo kale ah ay ka dhaceen halkaas, waxaana jirta in Mareykanku uu horey u sheegay inuu ugaarsan doono xubnaha Al-Shabaab.

Source Somalireal.com
Nairobi,Kenya

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online