Diyaarado duqeyn ka geystay degmada Ceelbuur ee gobolka Gal-gaduud

September 30, 2011 - Written by

Ceel-buur: Waxaa saaka diyaarado ajnabi ah oo ay leeyihiin ciidanka cirka ee Maraykan iyo Itoobiya ay duqeyn ka geysteen degmada Ceelbuur iyagoo duqeynta la beegsaday Saldhiga magaalada  iyo degaano ku dhow dhow degmada Ceelbuur gobolka Gal-gaduud.

Wararka laga hellay dadka shacabka ah ee ku nool degmada Ceelbuur ayaa sheegay in meelaha ay diyaaradu ay duqeynta la bartilmaamsadeen in ay ka mid tahay degaanka Ceel garas, ilaa hadda si rasmi ah uma soo bixin khasaaraha ka dhashay duqeynta iyadoo ay ugu wacan tahay is gaarsiinta oo hawada ka baxsan.

Diyaaradaha wax duqeeyey ayaa maalmahaan waxaa lagu arkayey  degaanada iyo gobollada ay gacanta ku hayaa ciidanka Al-shabaab iyagoo ku duulaya joog hoose, diyaaradahaan ayaa la sheegayaa in laga leeyahay dalka Maraykanka iyo dalal ka tirsan
Yurub.

Ma ah markii ugu horeysay oo diyaarado laga leeyahay dalka Maraykanka ay ka geystaan duqeynta dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Gal-gaduud iyagoo  weeraro ay fuliyeen diyaaradaas lagu dilay Allaha u naxariistee Macalin Xaashi Aadan Ceyrow.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online