Diyaarado ku duulaya joog hoose oo lagu arkay magaalada Kismaayo

September 24, 2011 - Written by

Kismaayo:-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada hoose iyo degaanada ku xeeran ayaa sheegaya in lagu arkay diyaarado laga leeyahay wadamada reer Galbeedka gaar ahaan dalka Maraykanka oo ku duulaya joog hoose kuwaas oo doonaya in ay basaasaan saldhigyada ciidanka Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Jubada Hoose  si ay duqaymo ugu geystaan.

Dadka rayidka eek u nool magaalada Kismaayo iyo degaanada ku yaal duleedkeeda ayaa cabsi ka qaba duqaymo ay u geystaan diyaaradaha ciidanka Maraykanka oo dhowr jeer oo hore duqeyn la beegsaday saldhigo ay leeyihiin ciidanka Al-shabaab iyo degaano ay deganyihiin dad rayid ah o u badan xoolo dhaqato sida ay dad rayid ah u sheegeen saxaafada ka howl gasha Soomaaliya.

Dhinac kale Saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM ayaa saxaafada u sheegay in ay wax ka og yihiin diyaaradaha  reer galbeedka ah ee dhowr jeer oo hore duqeymo ka geystay degaanada ku xeeran magaalada Kismaayo iyagoo sheegay in diyaaradahaas ay duqeyn doonaa Saldhigyada ciidanka Al-shabaab si loo wiiqo awood ciidanka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ururka ciidanka Al-shabaab ee Gobolka Jubada hoose ayaa dhowr jeer oo hore saxaafada u sheegay in diyaarado ay leeyihiin ciidanka Maraykanka ay duqeymo ka geysteen degaano ka tirsan Gobolka Jubada hoose iyagoo sheegay in weeeraradaas ay khasaaro ka soo gaareen dad rayid ah oo ay diyaaradaas ay bartilmaamsadeen.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online