Dugsiga sare Gambool ee magaalada Garoowe oo ku guulaystay kadiskii Dugsiyada Sarre

September 7, 2011 - Written by

Garoowe : Hoolka shirarka ee jaamacadda Puntland State University (PSU)  ayaa  lagu qabtay tartankii ugu dambeeyey ee u dhaxeeyey  dugsiga  Gambool Garoowe iyo sidoo kale dugsiga Al-Muntada Burtinle.  

Xafladii gabagabada kadis aqooneedka ay ka  qayb galeen 24 Dusgsi sare ee ka furan dhamman gobolada Puntland. ayaa waxaa si wadajir ah u  maalgaliyey shirkadda isgaarsiinta ee Golis  TelecomSomaliaiyo Wasaarada waxbarasha Puntland, waxaana  fulinta iyo farsamada iska lahaa  Daladda waxbarashada ahliga ah ee Punltan (PEN) waxaana tabiyey islamarkaana door weyn ka qaatay warbaahinta Radio Daljir.

[nggallery id=7]

Xafladaas ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka socotey dowlada Puntland oo ay horkacayeen wasiir dowlaha maamul wanaaga Mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Punland Maxamed Maxamuud Idiriis,Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi xirsi Cali iyo weliba sidoo kale duqa degmada  Garoowe  iyo duqa degmada Burtinle.

Waxaa xafladaas ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socotey Shirkadda Golis Telecom Somalia oo ay ka mid ahayeen gudoomiye Gudiga Sare(BOD) ee  Shirkadda mudane C/Casiis guureeye, hogaanka xiriirka dadweynaha Mudane Faarax Xaaji Mire iyo maamulaha shirkadda Golis Ee Garoowe Mudane Maxamud Ismaaciil Awcisman, madaxa marketing-ka ee shirkadda Golis Mudane Siciid Xuseen Ciid.

Gabagabadii tartan aqooneedka dhex maray labada dusgi ee Gambool iyo Al-Muntada ayaa dugsiga Gambool wuxuu helay lix dhibcood halka dugsiga Al-muntada Burtile helay 3 Dhibcood.

Sidaas daraadeed ayaa guushii kaalinta 1-aad u hoyatey dugsiga Gambool Garoowe oo Abaal marin ahaan u helay koobkii tartanka iyo lacag dhan (23 malyan oo shilin soomali ah) halka Al-muntada galay kaalinta 2-aad wuxuuna helay lacag dhan (13 malyan oo shilin soomali ah) iyadoo  kaalinta 3-aad uu galay dugsiga sare ee Al-muntada Qardho oo helay lacag dhan (9 malyan oo shilin soomali ah) ugu danbeeytiina kaalinta anshaxa iyo aadaabtana la gudoonsiiyay Dusiga Al-azhar Al-shariif ee Isla magaalada Qardho kaasoo abaal marin ahaan u helay lacag dhan ( 6 malyan oo shilin soomalia ah).

Waxaa sidoo kale halkaas Shirkada Golis aay ku qabatay Bakhtiyaanasiib heersare ah oo dadweynahii kasoo qayb galay aay ku guuleeysteen hadiyado kala duwan sida Laptop,Mobilo kale duwan,Saacado,Barafuuno iyo alaabaha guryaha qaarkood.

Gabagabadii Waxaa halkaas lagu gudoonsiiyey Koobkii tartanka,Shahaado Sharadeedyo la gudoonsiiyey madax iyo marti-sharaf kala duwan iyo gudigii garsoorka,Maamulka Daljir iyo Jaamacadda PSU Garowe oo sanadkii labaad si heersare ah u martigalisey xaflada gunaanadka Barnaamijka tartan iyo tacliin.

Cabdi Fitaax Nuur Axmed (Ashkir)

Golis Public Relations Officer

 

 

Leave a comment

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online