Gabdhihii ku jiray xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho oo kufsi lagula kacay [Tv Channel 4]

September 30, 2011 - Written by

London:-TV- ga, Channel 4 oo saldhigiisu yahay dalka Ingriiska ayaa waxaa uu baahiyey Muuqaal murugo badan ku reebay dadka Soomaaliyeed ee k u nool dalka dibadiisa , Wariye ka tirsan TV- ga, Channel 4 oo lagu magacaabo Jamaal ayaa soo bandhiga tacadiyaga dadka barakacayaasha u geystaan ciidamo ka tirsan DFKM, Ciidanka DFKM qaar kood ayaa ku kaca  dhac iyo kufsi ,dumarka qaarkooda ayaa waxaa lagu horkufsadaa nimankooda hortood.

Wariye Jamaal oo isku dayey in uu waraysi ka qaado masuuliyiinta ka tirsan DFKM ayaa diiday in ay saxaafada uga waramaan arrinkaas oo noqotay wax lala yaabo, Masuuliyiinta DFKM ayaa in badan idaacadaha ka sheegay in ay wax ka qaban doonaa ciidanka DFKM ee dadka rayidka ah u geysta dilka ,dhaca iyo kufsiga.

   Hoos ka Daawo filimkaan oo ah mid murugo badan kugu reebaya

Source TV- ga, Channel 4
 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. asc, walaalayaal waa wax laga naxo waxaynu leenahay aduunyada haynaga naxdo oo halayna caawino inagii baa sidaa isu galayna oo nin naagtiisa lagu hor kufsanayaa islaana waa sheeganaynaa naxdiiiiiiin nimanka dhalinyarada ah ee koonfur haysta haday somalinimo ku shaqayn lahaayeen oo ay ka hari lahaayeen shisheeyaha oo ay dalka somaliya kafakeri lahaayeen wax dhaama maleh
    ilaahow umadaada hanuuni oo xaqa tus

  2. asc, walaahi waa cajiib, hadii ay maanta dowlad lagu sheegayo kuwan! somali wax u hadhay ma jirto, ilaahay cid an aheen oo u maaqaan matidaas ma jirto, lakiin kuwa daba dhiilfyada ah ee dowlada sheegta waa in ay masuuliyada qaatan waaayo iyaga ayaa yidhi dowlad ayaan nahay oo wadanka ayan ka masuul nahay, xaqiiiqdina waa daba dhiilfyo u shaqeeya shisheeya.

Leave a comment

*