Go,aamadii shalay ay soo saareen Isimad oo laga soo dhaweeyey Gaalkacyo

September 26, 2011 - Written by

Gaalkacyo:Xaalad magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ah mid soo hagaagaysa ilaa iyo intii ay Isimo gaaraya ilaa 16 Isim ay bilaabeen in ay dhexdhexaadin ka galaan dagaal ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo u dhexeeyey maleeshiyaad degaanka ah iyo ciidanka Puntlland oo doonayey in ay qabtaan nin ay ku eedeeyeen in uu qayb ka ahaa dilal ama qaraxyo ka dhacay xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Isimada , iyo culimada ayaa guul ka gaaray in ay dagaalka joojiyaan iyagoo 2 dhinac ee dagaalku dhexmaray ku qasbay in dagaalka ay joojiyaan , Isimada ayaa kala qaaday ciidamadii dagaalamayey waxaan ay bilaabeen in ay u kala dab qaadaan iyagoo gunaanadkii shalay ku guulaystay in go,aamo la isla waafaqsan yahay dhinac walbana taabanaya ay soo saaraan.

Isimad ka jira Puntlland ayaa iyagu ah udub dhexaadkii yagleelay Puntlland iyo kuwa kaliya ee ay talada degaanada Puntlland ay ka go,do maadaam Puntlland ay dhisteen beelo isku tegay oo ay Isimadu madax iyo gudoonba u yihiin.

Shabakadda wararka Halgan.net oo rayi iyo xog waraysi la yeelatay qaar ka mid ah ergadii waday waanwaanta iyo qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Gaalkacyo ayaa si siman u soo dhaweeyey go,aamadii ay soo saareen Isimadu iyagoo noo sheegay in go,aamada si wadajir ah loo wada qaatay la iskuna afgartay.

Mid ka mid ah Isimada loo igmada dhexdhexaadinta  ayaa Halgan.net u sheegay in aysan jirin wax khilaaf ah ama colaad ah howshii loo xil saarayna ay 2 dhinac ee uu dagaalku dhexmaray ay nabad isla qaateen lana soo afmeeray shalay wixii dhiman oo talo ama duco ahna loo balamay in magaalada Garoowe lagu soo afmeero dhawaan.

Hoos ka Dhagayso Go,aamadii Isimadu ay shalay ka soo saareen colaadii Gaalkacyo

 

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/bayaankii_isimada.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. In runta la sheego hadeey cid ka xanaajinayso shirkii shalay wuxuu wajahayaa caqabado badan oo cidna aysan ka tanaasuli karin mid mid aan idinku sheego:

    qodobka ah leelkase ciidamadiisa haka saaro garsoor puntlandna hala wareegtao controlka konfur leelkase wuxuu ku xiray shardi ah power sharing!!!!!
    power sharing-kaas inta la dhamaynayo ciidanka leelkase garsoor bey joogayaan puntlandna waxay ku tagi kartaa oo qudha waa dagaal.

    puntland 3 bilood garsoor canshuur kamaysan qaadin inay sida ugu dhaqsiyaha badan u tagtana wey rabtay lakin ciidankaas jooga ayaa difaac ugu jira marka heshiis wax la yiraahdo ma dhicin ilaa awooda la qeybsadana dhagta ha taagnaato!!!!

  2. Salaamu Calaykum

    aad baan u soo dhaweyneynaa talada Isimada iyo Cuqaasha Puntland waa lafdhabartii Puntland kuwa raba in ay ka faa,iideystaan iskuna diraan umada Mislinka ah alle waa ceebeeyey

  3. Warkaas weli far baa ku mudan

  4. SOOMALI OO DHAN ALLE QALBADOODA SIDAA OO KALE BURCAD HA ISUGU MARIYO AAMIIN BAANU LEENAHAY.

Leave a comment

*