Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac oo ka badbaaday isku day dil

September 23, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa ka badbaaday isku day dil ka dib markii miino lala eegtay gaari uu saarnaa , Warax miino ee lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa ku soo beegmaya xili magaalada Gaalkacyo ay ka socoto waan waan la doonayo in lagu soo afmeero colaadii ka dhacya magaalada Gaalkacyo ee xurnta Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil isaga iyo ilaaladii la socotayna ay bad qabaan balse uu burbur soo gaaray gaari ay la socdeen.,

Qaraxa lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa waxaa uu dhacay xili Guddoomiyaha gaarigiisa uu marayey agagaarka shirkaddii hore ee Galcom oo ku taala xaafada Israac ee  Waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Ciidanka Booliska ee magaalaada Gaalkacyo oo soo gaaray goobta ayaa waxaa ay howl galo ka sameeyeen goobihii ku dhawaa meesha uu  qaraxu ka dhacay waxaan ay sheegayaan warar hordhac ah in 2 qof ay qabteen o markaas goobta marayey.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa ilaaladii la socotay waxaa ayu fureen rasaas fara badan iyadoo ilaa hadda aan la aqoon cid sida rasmiaga uga danbaysay  qarax lala beegsaday Gudoomiyaha Gobolka Mudug.  Magaalada Gaalakacy ee xarunta  Gobolka Mudug  ayaa waxaa ka socoda maalmahaan danbe dilal qorshaysan oo ay wadaan kooxo dhowr ah oo dadka marka aad la sheekeysasto ay kuu sheegayaan balse kooxahaas ayaan ilaa hadda si rasmi ah u sheegan dilalka dhaca iyo qarax yada.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Asc. waxaa wax aad looga xumaado ah,islmarkaasna naxdin iyo uur ku taalo leh. in la rabey in la kharajiyo Gudoomiyihii Gobolka mudug.
    taasi waxeey dad badan tustay rag soo duuley ee la leeyahay
    dhexdhexaadin baa lagu jirey ineey taasi runta ka fogtahay.
    Odayssha wada waawanta yeey la wadaan waanta la sheego.
    Maa Alshabaab baa waanwaan ogol. mase beenta la soo dhoodhoobay
    ee ah Qabiil baa lagu duuley oo aan lahayn sal iyo raad toona.
    waxaa runtu tahay Alshabaab iyo Koonfur oo ku soo duushey
    Puntland arrinta ka dhigay shaad Qabiil.haddii la soo weeraro
    meesha aanu ku jiro waxaad tiraahdaan qabiilka Leeykase baa lagu
    soo duuley. Hada waxaa la soo baxay tab cusub oo ah in
    hawshii loo soo minguurshey xaafadda Iraac si dadka looga
    bedelo wixii hore ugu dhici jirey xaafadda Garsoor.
    Arrintan waxaa dusha ka maamula ina shagole
    oo ka mid ah horjoogayaasha Ururuka Alshabaab.
    Maamulka Puntland oo la rabo in la burbursho
    weli si fiican uma fahmin xaaladu halka eey salka
    ku hayso laakiin runta marka la sheego Puntland maanta kuma
    jirto gacanta maamulka ee waa ka baxday.
    waxaa fool qaaday buur marka bal an ka war sugno
    waxeey dhashay iyo inta Galkacayo sidaas ahaan doonto.

Leave a comment

*