Isimadii ku dhex jiray colaadii Gaalkacyo oo la filayo in ay go,aamo soo saaraan maanta

September 25, 2011 - Written by

Gaalkacyo Sept 25 – Guddiga issimo ah oo ka kooban ilaa 16 Isim kuna dhex jiray in ay xal ka dhaliyaan colaadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta soo saaray ilaa 10 qodob wallow ilaa hadda Shabakadda wararka Halgan.net aysan soo gaarin qoraal ama nuqul rasmi ah oo ka soo baxay Isimada.

Ilo wareed lku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo aan wax ka wiidiinay go,aamada soo baxay ama la filayo in ay Isimadu soo saaraan ayaa waxaa uu si hordhac ah noogu sheegay in meel fiican wax marayaan go,aamada soo baxayna ay ka mid noqon doonaa.

 

1-     In xaafad Garsoor ay wada degan yihiin beelo badan beesha leelkasan aysan ahayn Al-shabaab ayna beeshu ka mid tahay bud dhigayaashii aasaasay Puntlland.

 

2-     In wixii Maleeshiaayd ah dib loogu celiyo meesha ay ka yimaadeen iyo in ciidanka Puntlland ay iyagu masuul ka yihiin sugida amaanka.

 

3-     In wixii ka dhacay magaalada Gaalkacyo laga noqodo xala dhalay.

 

4-     Dowllada ka maqnaashaheedee Xaafada Garsoor waxaa ay keentay in ay ku soo dhuuntaan xaafada kuwa dilalka sameeya.

 

  Ilaa hadda qodobada kor ku xusan waa hor dhaca dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa ilaa 10 qodob ee ay Isimadu colaadii Gaalkacyo ay ka soo saareen.

M_M_Deeq
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Asc wr wb … Dawlada amaanka haloo daayo … ayadana ha ogaato haday xikmad wax ku raaadin in dhibaato kala kulmayso …… meesha xikmad xumo iyo looma ooyaan uun hala iska ilaaliyo

  2. Asc. Waa arrin sax ah in sidaas loo dhigo
    arrinttii ka dhacday Gobolka Mudug.
    dalka waxaa ka taliya dawlad la doortay
    oo ka masuul ah dadka oo dhan oo metesha
    ummadda reer puntland oo dhan.Qabiilooyinka.
    wax aan ka war sugi doonaa inta ka dhiman
    qodobada. Dawlada puntland waxeey ku
    qanci doontaa in la sugo ammaanka dalak oo dhan.
    ee kuma qanci doonto in Qabiil madax loo salaaxo.

Leave a comment

*