Issimo socdaal-nabadeed ku jooga Deegaano ka tirsan gobalka Bari

September 28, 2011 - Written by

Boosaaso:-Waxaa socdaal-nabadeed ku jooga Deegaano ka tirsan gobalka Bari Issimo badan oo ka soo jeeda gobalka Bari oo si weyna looga qadariyo deegaanada Puntland kuwaas oo u tafo xeytay in ay nabad dhexdhigaan beelo walaalo ah oo ay dhexmartay dilal aano qabiil ku saleysan.

Issimada ayaa waxay socdaal ku tageen deegaanno ay ka mid yihiina Kob-dhexaad, Ufayn, Al-baraka, Balli-dhiddin, Balliga, Beel-wacatay, Unuun, Ceelgaal iyo deegaan no kale oo isla gobolka Bari sida uu na soo gaarsiiyey wariyaha Halgan.net ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Deegaanada kor ku xusan ayaa dilal ku saleysan aano qabiil waxay ku dhexmareen beelaha dega gobalka Bari waxaana ay isimada ku guuleysteen in ay joojiyaan colaada waxaana socda dadaal lagu heshiisiinayo beelaha wax kala tabanaya .

Issimada gobalka Bari ee wada socdaalka nabadeed ayaa waxaa hogaaminaya  Beeldaaje Ismaaciil Yaasiin Cali ‘Cal-bari’ Beeldaajiye Ismail Yaasiin ayaa warbaahinta u sheegay in dadweynaha ku dhaqan deegaanada ay tageen si weyn ay u soo dhaweeyeen ayna qaateen gudoonka Isimida oo ahaa in dadka walaalaha ah aysan colaad danbe aysan dhexmarin.

Isimada iyo Nabadoonada Puntland ayaa saldhig u ah nabada ka jirta Puntland iyaga oo mar walba u taagan in ay xaliyaan wixii khilaafaad ah ee ka dhexdhaca beelaha wada dega Puntland waxaana u danbeysay colaadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo oo ay isimadu ku guuleysteen in ay joojiyaan.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online