Jaamacadda Bariga Soomaaliya ee Qardho oo sanadkii labaad waxbarshadda toos u bilowday

September 4, 2011 - Written by

Qardho:-Jaamacadda Bariga Soomaaliya ( East Somalia University) ee Qardho ayaa kulan balaaran oo ka dhacay ( 03/09/2011) si rasmi ah loogu shaaciyey in ay bilaabtay waxbarshadda sanad jaamacadeedka 2011 – 2012 .

 Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Shiikh Cali Maxamed Cali Maamulaha Jaamacadda ESU , isaga oo sheegay in ay ardayda u rajeynayaan sanad wanaagsan oo waxbarsho isla markaana waxa uu si aad ah ugu dheeraday kaalinta Qardho ay kaga jirto waxbarshadda Soomaalida.

 Shiikh Cali waxa uu yiri ” Jaamacadda Bariga Soomaaliya runtii dadaal iyo wakhti badan ayaa lagu bixiyey in laga furo Qardho, runtiina taasi waxaa abaalkeeda leh dhalinyaradda degaanka ee Dibadda iyo Gudaha joogta …….waa aragtaan halka ay wax marayaan oo sanadkii labaad ay u gudubtay…….”

 Sidoo kale waxaa isaga hadal dheer ka jeediyey Xafladda Dr. Mustafe Maxamed Ibraahim oo ka mid ah Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadda, isaga oo in badan ka hadlay qiimaha waxbarshadda leedahay iyo sida la doonayo in ay ardayda uga qeyb qaataan sidii ay dadkooda iyo dalkooda wax ugu qaban lahaayeen.

 ” Runtii maantay iyo Shalay waxa u dhexeya waa laba kala fog…….Sanad ka hor halkaan waxa ay aheyd meel aysan cidna joogin maantay waa aragtaan dadaalka iyo wakhtiga lagu bixiyey in Qardho yeelato Jaamacadda, intii fikradaas keentayna Alle ayaa ka abaal marin doona ….. ayuu yiri Dr. Mustafe.

 Dr. Cabdirashid Siciid Ducaale oo ka mid ah aqoonyahanada degaanka isla markaana waxa ka dhiga Jaamacadda ayaa halkaas waxa uu ka jeediyey hadalo qiimo leh …. isaga oo in badan ka hadlay taariikhda waxbarshadda Qardho illa sanadkii 1984 intii uu ka ogaa.

 ” Magaaladda Qardho waxa ay aheyd magaaladda keliya ee Goboladda Puntland, loo soo doonan jiray waxbarshadda dugsiga sare….waxaa xasuustaa 1984tii in ay Qardho ka howl galeen Macalimiinta ka socday dalka Masar oo illa iyo haatan 2011 wax ka dhiga dugsiyadda…….ma jirin meel kale oo macalimta Qardho joogta ay wax ka dhigaan…… runtiina dadka degaanka u dhashay iyaggaa laga rabaa in ay ka shaqeyaan horumarka degaankooda” ayuu yiri Dr. Cabdirashid Siciid Ducaale.

Prof. Axmed Maxamed Barre  Maamulaha Jaamacadda Bariga Soomaaliya ayaa isaga waxa uu ardayda u rajeyney Sanad wanaagsan iyo waxbarsho qiimo leh …… isaga oo dhan kalena sheegay in looga baahan yahay dadka degaanka u dhashay in ay ka qeyb qaataan sidii jaamacadda u heli laheyd dhisme ay leedahay iyo weliba guud ahaan horumarka jaamacadda.

Siciid Axmed Xaaji Aadan oo ku hadlay codka Ardayda Jaamacadda Bariga Soomaaliya ayaa isaga waxa uu mahadcelin u jeediyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda…… isaga oo xusay in arday ahaan ay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin furitaanka sanadka labaad ee Jaamacadda.

 Jaamacadda Bariga Soomaaliya ayaa laga furay Qardho sanad ka hor iyadda oo ay ka howl galaan Macalimiin isugu jira ajanabi iyo weliba Soomaali aqoontooda ay gaarsiisan tahay heerka ugu sare ee Jaamacadeed….. waxa ayna ku soo aaday xilli Qardho ay ka jirtay Jaamacad la’aan …… isla markaana Jaamacadda ESU waxa ay ka qeyb qaadtay horumarka degaanka.

Qardho oo ka mid aheyd meelaha waxbarshadda ugu horeya Soomaaliya ayaa sanadkaan 2011 waxa ay kaalin weyn ka gashay tartanadii Bisha ramadaan ay qabteen Shirkaddaha isgaarsiinta iyo weliba warbaahinta gudaha.

 Xafiiska warfaafinta

Jaamacadda Bariga Soomaaliya

info@eastsomaliaunivesity.com

Qardho- Somaliya

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online