Khudbadii uu ka jeediyey Ra.iisul Wasaaraha DFKM Dr.Gaas Shirka Qaramada Midoobay.(Daawo Video)

September 15, 2011 - Written by

New York :-Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay waxaa uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa uu ka jeediyey Shirka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ee ka furmay shalay magaalada New york ee dalka Maraykanka, Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr. Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu khudbadiisa kaga hadlay amaanka , siyaasada iyo  gargaarka.

Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu ku sheegay khudbadiisa in DFKM ilaa inta uu xilka Ra.iisul wasaaraha la wareegay o dhan mudo bil ah ay guul ka gaareen dhinac amniga isagoo xusay in ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ay ku qasbeen ciidanka ururka Al-shabaab in ay ka baxaan magaalada Muqdisho

Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in xukuumadiisu ay dhistay ciidamo suga amaanka caasimada iyo kuwa ilaaliya gargaarka ay beesha caalamku u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku dhufteen, Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr.Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kale oo uu sheegay in xukumadiisa ay talaabo dhinac dib u hishiisiinta ay horay u qaaday iyagoo shirka wadatashiga Soomaaliya lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in xukuuma diisu ay hirgelin doonto dariiqa ay beesha caalamku u jeexeen in ay ku socdaa DFKM si beesha caalamka ay taageero buuxda uga hellaan, Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbadiisa ku sheegay in ay muhiim tahay in xiliga ku meel gaarka ay ka gudbto DFKM iyo in dastuurka la dhamaystiro.

Dhinaca kale ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga oo isagana saxaafada la hadlay ayaa xusay in xaalada Soomaali ya ay meel fiican joogto oo dhinac amaanka horumar laga sameeyey. Mahiga ayaa xusay in hadda lagu jiro siddii marxalada  ku meel gaara ah looga gudbin lahaa DFKM howsheedana lagu gudo jiro.

Khudbada Raiisu Wasaaraha uu ka jeediyey Shirka Qaramada Midoobay hoos ka daawo

 

 

Hoos ka Daawo Dr. Mahiga , Ambassador Diara, iyo Ra.iisul Wasaaraha DFKM oo saxaafada la hadlaya

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online