Madaxweynaha DFKM oo Hotel Lafweyn kula kulmay Saraakiil ka trisan Ciidanka DFKM

September 26, 2011 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM SH Shariif ayaa waxaa uu maanta kulan kula qaatay Hoteelka Lafweyn ee magaaladsa Muqdisho qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka DFKM , Saraakiisha Ciidanka laamaha kale duwan ee DFKM ayaa goob  joog
ka ahaa kulankii maanta.  Madaxweyne Shariif iyo xubnaha la socday ayaa waxaa u jeedadda kulankoodu uu ahaa in uu xog waraysto Saraakiisha Ciidanka DFKM  iyo in uu u kuur galo xaalada ay ku sugan yihiin ciidanka DFKM.

Madaxweynaha DFKM Sh Sariif ayaa waxaa uu warbixino ka dhagaytay Saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM  waxaana ay uga warameen xaalada ciidanka iyo goobaha ay difaaca uga jiraan iyo in ay ku howlan yihiin shaqdii  loo igmada iyo waajibaadkooda
Madaxweynaha DFKM Sh Shariif ayaaa waxaa u mahad celiyey ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM waxaan uu ka codsaday in ay gutaan waajibka ka saaran difaac dalka waa sida uu hadlak u dhigaye.

Madaxweynaha DFKM Sh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in saraakiisha ciidanka DFKM iyo askarta Dowllada la siin doono abaal marino ku aadan sida xilkasnimada ah ee ay u guteen waajibaadkii saarnaa, Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif ayaa ka dhawaajiyey in ay jiraan kuwa ku labisan dirayska ciidanka DFKM oo dhibaateeya dadka shacabka ah, dhac iyo boobna u geystay gargaarka ay beesha caalamku ugu deeqeen shacabka Somaaliyeed.

Madaxweynaha DFKM Sh Shariif ayaa sheegay in la tayeen doono ciidanka DFKM isagoo xusay in balan qaadyo kale duwan ay ka heleen Midowga Yurub iyo beesha caalamka , socdaalka uu maanta ku tegay Sh Shariif  Hotel Lafweyn ayaa noqonaya  kii ugu horeeyey oo uu ku tago Hotel Lafweyn  ilaa intii xilka Madaxweynaha DFKM loo magacaabay.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online