Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed oo xero ciidan furay.

September 15, 2011 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sh. Axmed ayaa  maanta waxaa uu dhagax dhigay xero cusub oo lagu tababari doono ciidamada Milatariga ee DFKM xerada ayaa waxaa laga furay deeganka Al-Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho

Madaxweynaha DFKM Shariif  Sh. Axmed oo uu wehelinayey Wasiirka G/dhiga Xuseen Carab Ciise iyo Taliyaha ciidamada Milatariga Jen  C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa waxay ka qeyb galeen xaflad lagu dhagax dhigayey xero lagu tababari doono ciidanka DFKM.

MadaxweynahaDFKM ayaa waxaa xerada ku soo dhaweeyey saraakiil sare oo ka tirsan DFKM waxaana uu salaan ka qaatay ciidamadii ku sugnaa xerada Al-Jaziira ee duleedka Muqdisho.

Ciidamada ku xareysan xerada Al-Jasiira ayaa waxaa tababar siin doona saraakiil ka tirsan Midowga Afrika waxaana maalgalinaya wadamada reer galbeedka ee uu horboodayo wadanka Mareykanka

Wasiirka Difaaca ee DFKM Jen Xuseen Carab Ciise oo la hadlay ciidanka DFKM ee ku sugan xerada Jasiira ayaa ku booriyey ciidanka DFKM in ay dalka Difaacaan dalka una adeegaan bulshada .

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Xero ciidan iyo ciidan baa dhaqaalihii wadankaba la tagay miyaanay wax kale aqoon sida arrimihii bulshada, dhismihii xarumihii wasaaradaha iyo xafiisyadii ay ku shaqayn lahaayeen wasiirada. Madaxtooyada ayey dagan yihiin, xafiiska ra’iisal wasaaraha ayey ku shaqeeyaan, lama arko hal wasiir ah oo wasaaradiisa shaqadeeda inta sanadka hartay soo bandhigay, maxay taasi ku dhacday inay mushaharka UNDP meesha ku qaataan ayey u joogaan xamar?

Leave a comment

*