Madaxweynaha Eritrea Afewerki: Wax lug ah kuma lihin colaadda Somalia

September 28, 2011 - Written by

Eritrea:-Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afewerki ayaa beeniyay in dalkiisu uu ku lug leeyahay mushkiladda ka taagan dalka Somalia. Qramada Midoobay ayaa dalka Eritrea saartay cunaqateyn la xiriirta taageerro la sheegay inay siisoo kooxda al-Shabaab ee dagaalka ka wada Somalia.

Wareysi khaas ah oo uu siiyay idaacadda VOA ayaa Effewerki wuxuu ku sheegay inuu rajanyano in dadka dhibaatada ka wada Somalia ay joojiyaan oo ay faraha kala baxaan, isagoo xusay in dhibaatadda Somalia haysata la xalin karo haddii faragelinta laga daayo. Affewerki wuxuu intaas ku daray in dadka Soomaalidu ay is-caawin karaan mushkiladda haysatana ay iyagu xalin karaan haddii loo daayo arrimahooda.

Madaxweyne Isaias Afewerki wuxuu sheegay in faragelintii militari ee aan fasaxa haysan ee Ethiopia ku gashay Somalia ay dhalisay in urur gobolleedka IGAD ay ka baxaan, wuxuuse xusay in isbeddello ka dhacay gobolka uu haatan dalkiisu go’aansaday inuu dib ugu soo noqdo ka mid noqoshada urur gobolleedka IGAD

Madaxweynaha Eritrea mar uu ka hadlayay abaaraha ka taagan Geeska Afrika wuxuu sheegay in dalkiisa aysan haysan cuna-yaraan aysana u baahnayn caawimaad gar-gaar, wuxuuna dhinaca kale xusay inuu diyaar u yahay inuu taageerro yar oo kooban siiyo Somalia si loogu gar-gaar dadka ay abaaruhu aafeeyeen.

VOA

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online