Madaxweynaha Puntland oo Dhagax-dhigay Dhismaha Madaxtooyadda Cusub

September 18, 2011 - Written by

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Faroole) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Madaxtooyadda Puntland. 

Madaxweyne Farole oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland iyo Duqa Magaalada Garowe ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Madaxtooyadda Puntland. 
Madaxtooyadda Puntland oo hada lagu shaqeeyo ayaa ah xafiiskii hore ee Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo la dhisay xilligii Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum Gen. Maxamad Siyaad Barre.

Dowladda Puntland ayaa waxay hada dhisaysaa dhismaha cusub ee Baarlamaanka Puntland iyo Guriga Martida ee magaalada Qardho.


Communications Office

The Puntland Presidency
PuntlandStateof Somalia
E-mail: info@puntland-gov.net
Web: www.puntland-gov.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Intay xafiisyo dhis dhisanayaan may dhisaan oo hagaajiyaan wadada laamiga ah ee isku xirta gobolada dalka!!!

Leave a comment

*