Madaxweyne Farole oo la kulmay ganacsato Puntland ah iyo Xildhibaano ka tirsan DFKM.(Daawomasawirada)

September 20, 2011 - Written by

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa ku qaabilay xarunta Madaxtooyadda Puntland qaar ka mid ah Ganacsatada dhoofka xoolaha iyo gadiidka badda, sidoo kalena wuxuu Madaxweynuhu qaabilay Wafdi Xildhibaano DFKMG ah oo soo gaaray Puntland.

 Ilaa 20-xubnood oo ganacsato ah ayaa la kulmay Madaxda Dowladda Puntland waxaana Madaxweyne Farole ku wehliyey shirarkaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Dekedaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, iyo wasiir-ku-xigeeno.

no images were found

Md. Maxamud Xayir Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntland ayaa cadeeyey inay jiraan khataro cusub oo ay sababeen burcad-badeeda Somalida, wuxuuna sheegay in burcad-badeedu ay afduubteen maraakiib iyo doonyo u rarnaa ama kasoo baxay Dekedda caalamiga ah ee Bossaso.

 Ganacsatada Reer Puntland ayaa walaac ka muujiyay farsamadaan cusub oo ay burcad-badeedu isticmaalayaan, waxayna Ganacsatadu ugu baaqeen Dowladda Puntland inay talaabo adag ka qaado weerartana burcad-badeeda. Waxyaabaha la isla qaatay waxaa ka mid ahaa doorka Dowladda iyo doorka Ganacsatada ay ka cayaarikaraan la dagaalanka burcad-badeeda, sida wacyi-gelinta bulshada, howlgalo dhanka amniga, iyo in la abuuro waxyaalo lagu hormariyo arrimaha bulshada.

 Shirkii Xildhibaanada DFKMG ah

 Madaxwayne Farole oo la kulmay Xildhibaano gaaraya 10-xubnood oo booqasho howleed ku soo gaaray deegaamada Puntland, ujeedka socodaalkooduna uu kamid ahaa xiriirka Puntland iyo DFKMG ah iyo arrimo la xiriira amniga Degmada Galkacyo. Xildhibaanada waxaa ka mid ahaa: MP Mohamed Abdi Yusuf; MP Barre Ugas; MP Hassan Abshir Farah; MP Ali Ismail Abdi Giir; iyo MP Abdirashid Irro.

 Xildhibaandan ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland uga warbixiyay ujeedka socdaalkoodu iyo qorshaha ku biirida wadahadalada ka socda Gaalkacyo. Horaantii bishan ayaa ciidamada amniga ee Dowladda Puntland waxay qaadeen howlgalo ka dhan ah kooxaha argagaixisada ah ee Al Shabaab, iyadoo howlgalada socday muddo 2-maalmood ah lagu dilay in ka badan 60-xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab lana soo xirxiray 22-kale.

 Xildhibaanada DFKMG ah ayaa kala hadlay madaxda Puntland doorka ugu macquulsan oo ay ka cayaari karaan wada hadalka socda oo ahmiyadiisu tahay in la go’doomiyo argagaxisada si looga dhexsaaro bulshada. Madaxwaynaha ayaa intaas dabadeed u sameeyay casho sharaf Xildhibaanadii booqashaada ku yimid.

Communications Office
The Puntland Presidency
Puntland State of Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online