Madaxweynihii hore ee dalka Afgaanistaan Burhaan diin Rabaani oo la dilay

September 20, 2011 - Written by

Kabul:-Waxaa qarax lagu dilay Madaxweynihii hore ee dalka Afgaanistaan Burhaan Din Rabaani oo ka mid ahaa ragii ugu horeeyey ee Jihaadka dheer la soo galay ciidamadii dalka Rushka ee heystay Afgaanistaan.

Burhaan diin Rabaani ayaa waxaa ay dowlada Afgaanistaan ay u xilsaartay in uu waanwaan la galo Ururka Dhaalibaan.

Ilaa haatan wax war ah kama soo bixin Ururka Dhaalibaan mana jirto cid sheegatay qarax Ismiidaamin ah ee lagu dilay Madaxweynihii hore ee dalka Afgaanistaan Burhaan Diin Rabaani.

A/Cawale
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Dadka mujaahidiinta diidayoow duf ku baxa ma waxaad diin umaleyseen dimoqoraadiyad.diina ma aha dimoqoraadiyadu ee haku halaagsamina alla ka baqa qof walbana waa waajib ku saaran hadhowna lagu weydiin doono waxaad kitaabka alle u qabatey

  2. ilaahay ha u naxariisto,dilkaasi waxaa laga yaabaa inay ka dambeeyaan kooxaha madaxa fudud ee iyagu aan wax kale loo barakeynin dil mooyee, ee maanta lagu ibtaleeyey ee shaqada ugu ballaaran ka dhigtay daadinta dhiigga muslimiinta ee lagu banneysanayo wax caqliga iyo diintaba ka fog, hadda ninkaasi waxaa laga yaabaa in loo dilay wasaadada uu ka noqonayo hawshaas labada jaanib ku saabsan heshiisiintooda, oo waxaabay u dhowdahay in gaalnimo lagu xukumay sidaasna dhiigiisa lagu banneystay, tolow midka naftiisa ku bixiyey ee ilaahay ugu dhowaadey maxaa xaalkiisu noqon doonaa hadiiba qofka uu dilay uu yahay muslim,muxuuse kaga jawaabi doonaa marka la weydiiyo ” ma qof shahaadateynka qirey baad dishay”…wallaahul mustacaan, ilaahayow fitnadaan maanta taagan ee muslimiinta lagu ibtaleeyey ummadda muslimiinta ah ka dhexsaar.

Leave a comment

*