Madaxweynihii hore ee dalka Libya Col.Mucamar Al-Qadafi oo beeniyey in uu baxsaday

September 8, 2011 - Written by

Libya:-Madaxweynihii hore ee dalka Libya Col.Mucamar Alqadafi ayaa beeniyey warar sheegayay inuu dhawaan u baxsaday dalka Niger kaas oo laga sii daayey qaar ka mid ah wakaaladaha wararka ee Caalamiga iyaga oo soo xiganaya saraakiil sare oo ka tirsan kooxaha kacdoonka ku riday dowladii Col.Qadaafi.

Madaxweynihii hore ee dalka Libiya ayaa ku tilmaamay dagaal dhanka maskaxda ah wararka sheegaya in uu u baxsaday dalka Niger wuxuuna sheegay in uu sii wadi doono dagaalka ay kula jiraan kooxaha mucaaradka ee ay taageereyso Neto ee haatan haya talada dalka Libya.

Col Qadaafi ayaa waxaa uu la hadlay TV Al-rayi oo laga leeyahay dalka Syria lana rumeysan yahay in taageero u hayo Col.Qadaafi iyo dowlada syria uu ka taliyo Bashaar Asad.

Madaxweynihii hore ee dalka Libya ayaa sidoo kale wuxuu eedeyn u soo jeedshay saxaafada dalalka carabta wuxuuna ku tilmaamay mid u shaqeysa isticmaar.

C/CasiisMaxamed
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. SC WR WB

    Wallaalayaal waxaan idunku salaamayaa salaanta islaamka.Marka xiga waxaan idinka mahad celinayaa dib uhabaynta aad ku samayseen WEB kan Halagan balse waxaan idinka codsanayaa inaad webabkii aad ku qori jirteen dhanka midigta aad qaarkood kusoo dartaan,mahan dhamaantood laakiin aad baan ujeclaanlahaa shaqsiyan inaad Webabkii ISLAMKA(Islamic Sites or Links) aad dib usoo celisaan waaya aad baa looga faa’iidaysan jiray saan aaminsanahay adinkana ajar iyo xasanaad baa idiin ku jiray dadka ka faa’iidaysan jiray.Waan ogahay inaad DURUUS ONLINE kudarten MENU giina walow aysan kudhameyn duruus badan oo aanu ka heli jiray Webabkii kale ee badnaa oo aad kusoo dari jidheen Wekii hore ee Halgan.net.

    Wabilaahi towfiiq

    Mahadasanidiin dhamaantiin
    Abdihakiim

Leave a comment

*