Marqaatiga aamusan !! { The Silent Witness }

September 18, 2011 - Written by

Muqdisho:-Xaqiiqdii Umadda Soomaaliyeed waxa ay u soo joogeen waaya badan,waxaana dalka laga helayaa  rag iyo dumar cimriya oo wax badan ka og  wixii dalkaan ka soo dhacay,  marqaatina ka soo ahaa wanaag iyo xumaan na soo maray, hase yeeshee qaar badan oo waaya aragaan ka mid ah marka aad la sheekeysato waxa ay kuu sheegayaan dhacdooyin la yaab leh,kuwana waxa ay kuu sharaxayaan  xaalado farxadeed oo soo maray waqtidooda maragna ay ka soo ahaayeen, laakiin marka aad u dusiso in ay  sheekooyinkani ku wanaagsan yihiin si looga faa’ideysto in loo gudbiyo Warbaahinta, waxa ay  markiiba la soo boodayaan diidmo, waayoo halkii ay ka noqon lahaayeen marqaatiyaal  ka hadla wixii ay soo arkeen. waxa ay ka doorbidayaan in ay noqdaan Marqaatiga aamusan,

Waxaan maqli jiray  ooraahda oraneysa, { Afkaaga heyso, ama Afweyne raac }  oo macnaheedu ahaa, afkaaga xiro ama dowladda raac, taasoo ka turjumeysay  ad-adeyga xukuumaddii  Malatariga,iyo xakameynta  xanteeda suuqyada lagu hayo, balse markii uu nidaamkaasi  bur-buray ,waxaa furka iska tuuray dibno fara badan oo muda dheer isku heystay in ay   daboolnaayeen,waxeyse kuwaasi  halkii laga filayay in ay ku daahfuri doonaan hadalo wanaagsan oo raxmad leh,  taa badalkeeda ku hadaaqeen erayo naxdin leh oo sabab u noqday marin habowga ku dhacay bulshada soomaaliyeed, sida in ay carabkooda ku dhiirigaliyaan colaadda dalkaan ka socota, is naceybka, isku baraarujin qabiil, xumaan ku difaacid,ku awood sheegasho,  iyo qodobo kale oo aan isla naqaano,

Dhanka kalese, waxaa jira dar kaloo fara badan oo  jeclaa wanaagga xiligaa  ilaa maantana jecel , wax badan oo xumaanana hortooda lagu falay,balse marxalada lagu jiray awgeed,halkii ay yac ka oran lahaayeen ama ku diidi lahayeen xumahaas aan soo sheegay, waxa ay taa badalkeeda  dani ku qasabtay  in ay noqdaan Marqaatiga aamusan,

Waxaa wax layaab leh lagu tilmaami karaa in ooraahda aan kor soo xusay, lana sheego  in ay ka mid tahay qodobadii lagula   dagaalamay Rijiimkii hore, in markale ay  dalka dib ugu soo laabatay  20-sano ka dib,waayoo waxaan isla qiri karnaa in meelaha ay gacanta ku hayeen ama iminkaba  ay maamulaan Xarakada Al-shabaab, in shacabka ku hoos nool xaalkoodu yahay { shib dheh ama Shabaab raac} ,waayoo  waxaa goobahaasi ka dhaca falal laga naxo oo xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha,qaar ka mid ah waxaa lagu fuliyay shacabka  hortooda,kuwaa lagu xubna tiray, kuwaa lagu fududaaday,kuwa kalaa loo daldalay hadalo ay ka sheegeen Rijiimkan, mana jiro qof si dhab ah uga hadli kara waxa hortiisa ka dhacaya, waxa uuna xaalkoodu ku soo uruuray in ay noqdaan Marqaatiga aamusan,

Sidoo kale, Maanta Muqdisho waxaa ku soo barakacay qoysas fara badan  oo ay Abaari soo halakeysay, dadkaan inkastoo loo qeyla dhaamiyay waxna la soo gaarsiiyay, hadana waxa ay marqaati aamusan ka yihiin, malaayiin Doolar oo loogu deeqay, Madax fara badan oo soo booqatay oo hortooda wax uga balan qaaday, kuwaasoo ay  sii  xasuustaan  wajiyadooda markii  ay gacan qaadayeen,laakiin  ay  weli  sugayaan wixii ay jeebka ugu wadeen,marka aad la sheekeysatana waxa qura oo ay kuu sheegi karaan waa in ay marqaati ka ahaayeen balanqaadyo fara badan,balse aaney  sheegi Karin halka ay mareen.

Si taa la mid ah, waxaa maalin walba marqaati looga dhigaa oo la soo dhoobaa hortooda raashin fara badan oo deeq ah,oo magacooda lagu keenay goobta, hase yeeshee  marka sawiro fara badan laga qaato qudbadana loo jeediyo  ka dib, inta loo awood sheegto laga boobayo, waxaaba dhacda  mararka qaar in ay  marqaati ka noqdaan  rag hubeysan oo hortooda ku dilaya eheladooda ay kala soo nabad galeen Abaartii ku dhufatay,ama   laba dhinac oo hubeysan isku dilaya  quudka loo keenay, suurta galna ay tahay in ay waxyeelo ka soo gaarto,waxa ayna  dadkani  in la sheeg sheego mooyee,markii ay waayeen cid wax ka qabaneysa cabashadooda  aad moodaa  in ay ku gaabsadeen  marqaatiga aamusan.

Tan ugu darani waa masuuliyiinta wadanka oo maalin kasta dhagahooda ay ku dhacayaan dhaqaale loogu deeqay Dowlada KMG ah, kuwa Soomaaliya loogu talagalay,qoonda Abaaraha ku socota,kuwa amniga quseeya,qarashaad la dagaalanka burcad badeedda ah, qeyb argagixisada lagu qoray, iyo kuwa kaloo magacyo badan lagu kala xusayo,  qaar ka mid  Madaxdeena waxaa hortooda laga sheegaa  dhaqaalahaasi inta la isla soo simo  oo  shir wadajir ah lala  qabto,si marqaati looga dhigo caalamka iyo saxaafadaba,dabadeedna malaha ma dabagali karaane waxa ay ku qancaan  waa  in ay  madaxa u ruxaan, kana   marag-kacaan oo qura,sidoo kale waxaa jira ,Hey’ado gar-gaar oo gudaha wadanka ka wada samafal malaayiin doolar  ah, dhamaan dhaqaalahaasi waxaa maamula Ajaanib guryo iyo gawaari kireystay mana jirto cid la xisaabtantami karta  in loo marag furo mooyee, mararka qaarna waxaaba dhacda in  ay madaxdeenu ka qeybgalaan  shirar caalamiya  oo aaneey ka hadlin  marka ay ka soo laabtaana  waxa ay sheeg sheegaan  waa wixii ay marqaatiga ka  soo ahaayeen, marka sow iyagana lama oran karo waa Marqaatiga aamusan,

Saxaafadda Qudheedu waxa ay baahisaa falal dhacay,dilal la geystay, madaafiic lagu hoobtay,qof dhibane ah,lacago fara badan oo Dowladdu lunsatay,, masul hanti gudoomay, mid mid kale eedeynaya iyo waxyaabo kale,kuwaasoo dhamaantood aan la raacin  wararka cidda geysaneysa falalkaa  xataa hadii ay ogyihiin,iyo halka uu dhaqaalahaasi ku danbeeyay oo aan meelna looga xusin wararka, iyo weliba cida lunsatay toona,sow marka  laf ahaantooda lama oran karo waa Marqaati ka aamusan xaqiiqda dhacdooyinka soo mara warbaahinta  daba galkooda.

Dhanka kale, anigoo og in ay jiraan dad fara badan oo marqaati ka soo ahaa wixii dhacay,kuwa ogsoon danbiilayaal falal geystay,  kuwa loo geystay falal oo weli aamusan,haween la kufsaday oo yaqaan cidda ku xadgudubtay,kuwa loo xoog sheegtay oo garanaya  dadkii sidaa yeelay, dad arkayay dableey   qof iyo ka badan ku dilaya suuq dhexdii,Madax dhacday hanfi shacab oo si  cad  daaro ugu dhistay,welina aan loo  maxkamedeyn,dad la heysto mulkigoodii   oo aan  toos u  sheegan Karin, balse si hoose  u sheegi kara  in ay  iyagu leeyihiin, daris hadii wax laga weydiiyo guri  aan kala cadeyn Karin ,  xataa hadii uu yaqaano  oo ay reerka leh dab kala qaadan jireen,  kuwa isbaaro u taalo oo la yaqaan  loona shaxaad tago ,iyo kiisas  kaleba,in ay  xaqiiqo  tahay  iskadaa sharci lala fuulee,  in aanuu   jirin qof si toos ah u oran karta waxaas hebal baa sameeyay  ama hebal baa lahaa, si loo ciqaabo  ama loogula xisaabtamo,qof waliba wixii uu geystay. Waase hubanti in mar un laga bixi doono aamusnaanta oo ay  dulmanayaashu  xisaabta Aakhiro  ka sokoow  heli doonaan cadaalad,

Bal u fiirso,  dhalinyaradeena Sportiga jecel oo maalin kasta  iyaguna marqaati ka ah, malaayiin doolar oo lagu kala iibsanayo  Cayaaryahano ka cayaara  Horyaalada Yurub iyo  Ameerica, kuwa lakala amaahanayo,hadlo ay is dhaafsadaan Cayaartoydaasi, kuwa abaal marino la gudoonsiinayo. Qarashaad naadiyo lagula kala wareegayo, Xeyeysiinada hantida ay ka helaan,ilaa dhaqaalaha ku baxaya aroosyada cayaartoyda, iyo waxyaabo kale oo aan iyaga  marna laga soo  oran waad ku mahadsan tihiin sida aad  dhaqaalaheena iyo xaaladaheena marqaatiga uga tihiin, mar hadiise,  mid wax og iyo midaan wax ogeyn, mid  Danbi  dhacay goob joog u ahaa  iyo mid wax  loo geystayba  lagu balamay in  si hoose aqalada loogu sheekeysto mooyee,  aan marna  lala soo golle joogsan , sow dadka soomaaliyeed   dhamaantood  lama  oran karo waa  MARQAATIYAAL  AAMUSAN, !!!!!!!.

  Afeef : Aragtid maqaal waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan

                                              =  DH A M A A D =

  Qalinkii:- C/qaadir  M. Faarax   {dulyar}

Dulyar21@hotmail.com

 Muqdisho/Somalia.

 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. waxa aan ka fahmay qormadaada inaad ka mid tahay kuwa hadal tiradu ka badatay ee soomaaliyeed. markii aad biloowday waxay u ekayd arintu mid ku socota wado macne wayn xanbaarsan balse markii danbe ayaad aad ugu fiday oo baahisan qaybo wax weyni ku jirin. so, the next time narrow your article with the respect of meaningful target points. thanks anyway

  2. s/c artikel si fiican u qoran weeye waanan fahmaya waxaad ka waado. somaalida dhamaanteed waa dad aan isku tudhayn waayo haday isu tudhayaan allah ayaa u naxariisan lahaa. dadkaan dadka masaakiinta ah waxooda dhacaya iyo kuwa arkaaya ee iyago ka markhaatiya ka aamusanba allah ayaa abaal kooda siin doona insha allah. si fiican baad ugu fiirsatay una baratay soomaalida intooda badan markhaatiga aamusan it descripes us perfectly. allah (swt) ayaan ka baryayna inuu adoon nimada noocasa inaga dul qaado insha allah. ws/c

Leave a comment

*