Maxkamada darajada 1aad e Boosaaso oo dil ku xukuntay nin shalay dilay Garsoore(Dhagayso)

September 15, 2011 - Written by

Boosaaso,sept  15:-Maxkamada darajada 1aad ee magaalada Boosaaso ee xarunta  gobolka Bari ayaa waxaa saaka la hor keenay ni dhalinyaro ah oo shalay dilay Allaha u naxariis tee Cabdinaasir Xaaji Aadan oo ka mid ahaa Garsoorayaasha Maxkamada racfaanka ee G/ Bari gacan ku dhiig lah ayaa waxaa lagu magacaabaa Jaamac C/llaahi waxaan Maxkamada Gobolka Bari ay ku xukunmtay dil toogasho ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee dowllada Puntland Maxamuud Xassan Aw-Axmed oo la hadlay saxaafada ayaa u sheegay in gacan ku dhiigle Jaamac Cabdullaahi ay maxkamada darajada koowaad ee Gobolka bari ay ku xukuntay dil toogasho ah, gacan ku dhiigle Jaamac Cabdullaah ayaa qirtay in uu dilka geystay waxaan uu codsaday in uu Racfaan ka qaato xukunka lagu riday.

Gacan ku dhiigle Jaamac Cabdullaah ayaa  markii uu shalay dilay Garsoore Cabdi naasir Xaaji Aadan waxaa gacanta ku dhigay ciidanka amaanka ee Maxkamada  iyagoo isla shalayba loo dhaadhiciyey Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, Falka dilka ah lagu dilay garsoore C/naasir Xaaji Aadan Allaha u naxariitstee ayaa noqonaya dilkii ugu horeeyey ee qof fuliyey loo qabto xukuna lagu riday.

[audio:http://www.garoweonline.com/artman2/uploads/3/ilaaliye.MP3]
codka Waraysiga waxaa leh Radio Garoowe

M_M_Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Waa wax muhiim ah balse waxaad maqlin waa la qabtay gacan ku dhiigle balse lama mariyo xukunka dilka waana wax caan u noqotay reer puntland maalin wabana waxaa magaalada la dhigaa wax garadkooda taasna waa wax xun bal ogaada haatan gacanku dhiiglahaan meesha uu maro in u maro halkii ay mareen kuwii hore iyo in lagu fuliyo xukunka ilka ah waxaana caan noqotay in au doortaan mag dadaka dadkooda lalaaayey ayna door bidaan xogaa lacag ah oo maalmo ku dhamaan.

Leave a comment

*