Meel ha looga soo wada jeesto kuwa hal doorka dilaya Afhayeenka isimmada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid

September 27, 2011 - Written by

Garoowe, Sep 27 – Afhayeenka isimada Puntland Garaad C/llaahi Garaad Cali Ciid oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay muhiim tahay nabad kuwada noolaanshaha beelaha wada dega gobolka mudug iyo in ay muhiim tahay in dadweynuhu ay  foojignaadaaan kalena shaqeeyaan nabadgelyada ciidanka amaanka.

 Afhayeenka isimada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la dilo hal doorkii dadka dadweynuhuna ay iska fiirsadaan oo aysan sheegin kuwa wax dila taas oo ah wax aan suura gal ahayn,  Afhayeenka isimmada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid ayaa yiri. “ Waxaad maqlaysaa qof baa la dilay wax dila lama yaqaan ama lama qaban dilkiisuna waa qorsheysanaa aawaye ciidankii amaanka iyo shacabkii macquul ma ah in la heli waayo kuwa wax laaya.“.

Afhayeenka isimmada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid ayaa soo dhaweeyey go,aamadii ay soo saareen Isimadii loo igmada waan waana ka galay colaadii ka dhacday Gaalkacyo isagoo ugu baaqay in go,aamadaas la hirgeliyo lagan fogaado wax walba oo colaad ka dhex abuuri kara beelaha wada dega Puntlland oo iyagu lahaa aasaaskii Puntlland.

Ugu danbayntii ayaa Afhayeenka isimmada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid waxaa uu ugu baaqay laamaha amaanka ee ciidanka iyo dadweynuhuba in ay ka wadashaqeeyaan amaanka iyo nabadgelyada meelna looga soo jeesto kuwa doonaya in ay wax u dhimaan nabadgelyada ka jirta degaanada Puntlland.


M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online