Warning: Attempt to read property "display_name" on bool in /customers/7/9/5/halgan.net/httpd.www/halgan/wp-content/plugins/wordpress-seo/src/generators/schema/article.php on line 52

Xaggee bay maraysaa Nabadayntii Colaadii ka dhacday Gaalkacyo ?

September 14, 2011 - Written by

Gaalkacyo Sept, 13 Waxaa meel wanaagsan maraya nabadeyntii magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug oo ay u qumeeen isimada iyo culumada waxaana loo saaray gudi ka kooban ilaa 15 Isim oo si weyn looga qadariyo deegaanada Puntland gudiga ayaa maanta waxaa uu ku guuleystay in ay qaadaan soona afjaraan Jidgooyooyinkii ku haray goobihii ay dagaaladu ka dheceen oo u yaalay labadii dhinac ee ku dagaala may magaalada Gaalkacyo.

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo ka mid ahaa isimadii loo xilsaaray xalinta khilaaf ka magaalada Gaalkacyo ayaa saxaafada warbixin kooban ka siiyey  xaalada guud ee magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay in ay guul weyn ka gaareen nabadeyntii ay ka wadeen magaalada Gaalkacyo.

Ugaas Cali Ugaas Maxamed oo ah Ugaaska beesha Leelkase ayaa sheegay in xaalada Gaalkacayo xiligan ay tahay mid xasiloon nabad buuxdana la dhex dhigay labada dhinac wuxuuna ugu baaqay dadweynihii ka barakacay magaalada Gaalkacyo in ay dib ugu soo laabtaan ka dib markii xal laga gaaray colaadii socotay.

Ugaas Cali Ugaas Maxamed ayaa waxaa uu mahad weyn u celiyey isimada waaweyn ee deegaanada Puntland oo si weyn uga qeyb qaatay nabadeynta magaalada Gaalkacyo iyo culumada ka timid gobalada kala duwan ee Puntland oo uu horkacayey Sh C/qaadir Nuur Faarax iyo Sh Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan.

Dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa geystay khasaaro leh naf iyo maal iyo barakac xoogan balse culumada isimada iyo waxgaradka ku nool Puntland ayaa ku guuleystay in ay colaadii joojiyaan waxayna wadaan in ay soo afmeeraan dhawaan inta dhiman.

M_M Deeq
Halgan.net 

Leave a comment

Warning: Undefined variable $user_ID in /customers/7/9/5/halgan.net/httpd.www/halgan/wp-content/themes/hg/comments.php on line 61

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online