Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahim (Xarago)oo eedeeyey wasaarada waxbarashada ee Puntland

September 26, 2011 - Written by

Boosaaso:-Golaha Nabadoonada gobolka Bari ayaa si kulul uga hadlay qaabka loo maamulay deeqdii waxbarasho ee ka timid dalka Turkiga oo dhowaan imtixaan loo fariistay.

Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahim (Xarago) Gudoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari oo wareysi siinayay Shabakada Bosaso Press ayaa cambaareyey sidii loo maamulay deeqdaas isla markaana ku tilmaamay mid cadaalad darro ah oo aan la aqbali karin.

Gudoomiyaha Nabadoonada ayaa ku eedeyey Wasaaradda Waxbarashada Puntland in ay kusoo koobtay deeqda oo ardada ugu badan ay siisay gobolka Nugaal iyadoo magaalada ugu weyn ee Puntland uguna xarumo waxbarasho iyo arday badan ee Bosaaso lasiiyey afar arday oo keliya.

”Ma ahaan wax cadaalad ah sidii loo maamulay deeqday,mana aqbali karno hadaanu nahay Nabadoonada gobolka Bari.Wasaaradda Waxbarashada oo iska fogeysay in ay diyaarisay imtixaanka waxay kusoo koobtay gobolka Nugaal oo arday aad u yar oo afar keliya siisay Bosaaso”,ayuu sheegay Nabadoonka oo isweydiiyey hadii macalimiinta Turkiga ay wateen imtixaanka yaa horkacayay?.

Nabadoon Xarago ayaa dhinaca kale ugu baaqay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya in ay dib u eegis ku sameyso arintaan oo uu cadeeyey in ay tahay musukh maasuq loona maray waddadii qaldanayd maadama ay iyadu masuul ka tahay deeqda oo ka gudoontay dalka Turkiga.

Shacabka kala gedisan iyo ardayda gobolka Bari ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay natiijadii xalay ku dhawaaqday Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ku aadan imtixaanka lagu tartamayay deeqda waxbarasho,waxaana ardayda maanta laga dareemayay caro xoogan kuna tilmaamay mid kamid ah Cadaalada darida ugu xumaa ay abid arkaan.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland masuuliyinteeda ayaa iska fogeeyey marar badan markii ay ka hadleen warbaahinta in ay ku lug leeyihin imtixaanka balse oo keliya ay kor ka eegayaan,balse waxaa la isweydiinaya surtagalnimada in 4,000-ardey oo imtixaan hal mar wada fariistay oo dhowr saacadood gudahood lagu saxay isla markaana natiijada lagu soo saarey.

Bosaso Press
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online