Qarax ka dhacay xarunta Hay’adda Mine Action ee magaalada Muqdisho

September 24, 2011 - Written by

Muqdisho:-Waxaa galabta qarax miino ah uu ka dhacay irida hore ee xarunta Qaramada Midoobay ee  miino barista  ee loo yaqaano Miin Action kuna taal agagaarka  garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Miinada Qaraxdaya ayaa askar ka tirsan ciidanka DFKM waxaa ay ka soo saareen  agagaarka xaruntii hore ee Kumaando boliisyo oo lagu aasay miinada iyagoo markii ay soo saareen soo saaray gaari ,ay leeyihiin ciidanka DFKM  ayaa markii ay damceen in ay dejiyaan miinada ay qaraxday waxaan  goobta ku dhintay hal askari waxaan burubur uu soo gaaray qayb ka mid ah xarunta Qaramada Midoobay ee mino barista, qaraxa miinada ayaa waxaa laga maqlay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Goobta qaraxu uu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM  iyagoo kormeer ku sameeyey goobta uu qaraxu ka dhacay si ay u ogaadaan khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo inta uu le,eg yahay, ma ah markii ugu horeysay oo ciidan ka tirsan DFKM ay soo saaraan miino ka dibna ay la qaraxdo taas oo muujinaysay tayo la,aanta haysta ciidanka miino baarista ee DFKM.

A/cawaale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Waad fiicantihiin Viva halgan.net

Leave a comment

*