Raisul wasaaraha DFKM oo beeniyey in ay ka baxeen Khudbadii Ahmed Najad(Dhageyso)

September 26, 2011 - Written by

Minisota:-Raisal-wasaaraha Somalia Cabdiweli Max’ed Cali ayaa wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaalia ee VOA wuxuu ku beeniyay in Somalia ay ka mid ahayd dalalkii ka baxay markii ay socotay khubaddii madaxweynaha Iran ee golaha guud ee QM.

Cabdiweli wuxuu sheegay in isaga iyo wafdiga Soomaalida ee uu hoggaaminayay ay goobjoog ahaayeen oo ay dhageysanayeen khudbadda Axmedinejad.

Qaar ka tirsan warbaahinta ayaa qoray in dalal gaaraya 30 dal oo ay Somalia ka mid tahay ay ka baxeen khudbaddii uu Axmedinejad taasoo si ay ugu dhaliilo dalalka reer Galbeedka, gaar ahaa Maraykanka. C/weli wuxuu sheegay inay dhici karto in saxaafaddu ay magaca Somalia ku khaldaan magacyada dalalka kale ee kabaxay markii ay socotay khudbadda madaxweynaha Iran.

Raisal-wasaare C/weli wuxuu wareysigan uga hadlay kulamadii ka dhacay QM ee looga hadlayay xaaladda siyaasadda iyo abaaraha ee Somalia.

Wareysiga oo buuxa qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso. 


Hoos ka Dhageyso Khudbadii Madaxweynaha Iran uu ka jeedshay QM Ahmed Najad.

Khudbadii Madaxweynaha Iran Ahmed najad oo Dhameystiran halkan ka Daawo

Xigash0 VOA
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online