Shiikh Maxamed Idris oo Digniin ku saabsan Badda Soomaaliyeed u jeediyey DFKMG, Baaqna u diray shacabka Soomaaliyeed

September 24, 2011 - Written by

Mekka:-Mahad oo dhan Ilaah baa Leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenakorkiisa ha ahaato. Waxaanu jecelnahay oo nafta ku maaweelinaa beri ayaa waagu dillaacayaa, Dawladnimadiina Soo noqoneysaa. Dawlada daciifkaa halagu mintido waxaa dhici karta mar uun iney xoogsato oo Dawlad Dhabihii ka dhalato. Waxaan nafta ku sabir siinaa mar kasta oo aan aragno dhacdooyin iyo saan saamo aan Dawladnimo u ekayn, dad iyo dalna wax ugu oolayn, inaan isku guubaabino war bal u kaadiya, waa intaasoo wuxuun Dawladihii meeshaas ka timaadaa. Laakiin, kumeel gaaryada qaarkood iyagaan fursadba kuu siinayn inaad ka aamusto, ama ka war wareegto.

Waxaan filayaa arrimaha beryahan kasoo cusboonaadey xuduudaha badda iyo beriga Soomaaliya ee ay wado DKMG iyo Qaramada Midoobey iyo Dawlada Kale oo Gobolka iyo Adduunka ka tirsan oo Maslaxadi ka gashay Dhulka iyo Badda dalkan Baylahda ah ee Soomaliyeed, iney aad u xanuujineyso qof kasta oo Soomaaliya.

Waxaa wax lala yaabo oo lala fajoco ah waxa DKMG ahi ugu maman tahay iney saxiixdo ama faraha la gasho ummuura ka waaweyn ku meel gaar nimadooda oo khuseeya Qaranka, Jiritaanka, aayaha Ummadda Soomaaliyeed ee dhibaataysan iyo Facyaalkeeda soo socda.

Dadkan Siyaasadda Soomaliya faraha kula jira 20kii sano ee u dambeysey Mexey Moodeen Ummadda Soomaaliyeed? Ma wexey la tahay in dadka Soomaaliyeed uu ka dhamaaday wax damiir iyo dadnimo ku hadhay? Mise wexey moodayaan inaan ummaddu dhega lahayn oo indha lahayn oo garaad ku hadhin oo wax aqoon diineed ama adduunyo lihi ku jirin, amase wixii la doono inta lagu sameeyo aan ka dhiidhiyi Karin, ama (YAC) oran karin?

Soomaaliyi wexey u dulqaadatay iyadoo darxumo iyo dulli meel walba u daadsan in magaceeda xoola lagu cuno, ama jeebab iyo jawaanna loo tosho, wax kastoo mageceeda ku yimaadana aan waxba kasoo gaarin.

Wexey u dul qaadatay iyadoo Gaajo iyo Harraad u le’aneysa, Abaaro iyo Colaado ku habsadeen, cirroole iyo caruur naftu ka bexeyso, xoolihii ka dhamaadeen, beerihii ka qallaleen, berrigii la xaalufiyey, badihiina sun lagu aasay, khayrkiina la boobayo, intaas iyo ka badani iyagoo ay ku dheceyso, ayey u dulqaadatay in magaceeda diyaarada lagu raac raaco, Hoteelana lagu seexdo, Daarana lagu dhisto.

Wexey u dulqaadatay dalkeeda in belaaya lagu soo hoggaansho, in dusheeda dabaabada qafilan lagu kor socdo, inaan dadka madaxnimadeeda sheeganayaa diriishadda dabaabadda mooyee meel kale ka arag.

Wexey Somaaliyi u dul qaadatay 20 sano iney Dalkeeda iyo dadkeeda iyo aayeheeda ay afduubtaan Day day iyo  Dullaaley, Qaad walayaal iyo Qab qablayaal, Qaw qawlayaal iyo Qawlal Weynayaal, aan dad iyo duunyo midna ka naxayn oo hirdid soo duxa lahayn.

Wexey u dulqaadatay iyadoo Jidadka Muqdisha iyo Hareereheeda  ku le’anaysa, oo darxumo u daadsan, in lagu dul dhaanteeyo,oo lagu dul daac daacsado, diyaarada ingeeyra iyo dabaabaad qafilan oo shisheeye lagu dul maro.

Waxaasoo xumaana oo ummadaan lagula kacayo waxaa uga sii daran in laga dhigto Ummad magaceeda inta la adeegsado aan waxba la weydiin. Waxyaabaha ugu yaabka badan, waxaa ka mida haddii Ummaddu maalin damacdo iney wax weydiiso, jawaabtu waa: Jees Jees, Jaa’ifayn, iyo Caga juglayn.

SHEEKADA BADDU WAA TUSAALE!

Maalintii heshiiska is afgarad lala saxiixday Kenya ee Ummaddu la yaabtay, ninkii saxiixay BBC ayuu wuxuu lasoo istaagey: Dadka arrintan ka hadlayaa waa juhalo aan waxba ka garanayn!! Ra’isul wasaaruhuna berigaas wuxuu yidhi: Dadku Heshiis (Agreement) iyo is afgarad (MOU) makala yaqaanaan!! Wasiirkii Baduhuna wuxuu ka bixi waayey: qaylo iyo hab hab iyo huhu!! Madax weynihii Buuga dhan oo arrintan ka hadlaya loo dhiibeyna wuxuu yiri: Hawshaan Badda waa dicaayad dana gaara laga leeyahay!!

Waayahay..Waxaa Caddaatay iney dhamaantood qaldanaayeen, oo omos jibaaxayeen. Soomaalidu wey kacday, Barlamaankuna wuu kacay, ilaa UN tu hawshii kasoo qaaday (waxba kama jiraan) maadaama aan Ummadda Soomaaliyeed iyo Barlamaankeedu Raali ka ahayn.

Dadkii Masuuliyad Magaca Soomaaliyeed hayey oo arrintaasu ka dhacday ma cudur daarteen? Maya!! Maku baraarugeen arrintaa gar darada ah si aaney mar kale usoo noqon? Maya!! Kuwii iyaga ka dambeeyey ma ka digtoonaadeen arrintaan maadaama ay buuq badan dhalisay (Controversial) inaaney faraha mar dambe la gelin ama ku kedsoomin, ama cidii waraaqa ugu soo qorata ay yidhaahdaan ka saara midaan ma geli karno? Maya!!Dadweynihii Soomaaliyeed ee arrinta la socdey ma loo cudur daartey, hal masuul oo damiirku inta damqaday yiri: Shaqada waan iska casiley ma jiraa? Waa maya!!

Waxaan is weydiiyey: War ma SomaliTalk iyo dadka Soomaaliyeed ee Khubarada arrimahaan ku ah ayaa qaldan, oo wax buun buuninaya?Ma Hay’adaha Adduunka ee aqoonsan xuduuda Badda Soomaaliyeed ayaa khaldan?  Shaki ayaaba ku gelaya markaad aragto indha adayga nimanka Kumeel gaarada ah! Mise waaba kan Taliyihii Ciidamada Badda, Admiral Farah Qare, oo si geesinima leh u yuraynaya dhankiisa dhurwaayada soo weeraraya badda Soomaaliya ee 20 Sano la xaalufiyey.. Raisul wasaaruhuna wuxuu ku jawaabayaa isagoo ka caraysan sidee loo weydiin karaa su’aal: Xuduudeenu Jiddey Geleysaa? Miyaanu Raisulwasaaruhu ogayn dagaalkan uu Admiralku kaga jirey Seycelles? Maxaa u diidey Madaxda Dawladan gaar ahaan: Madax weynaha iyo Raisul wasaaraha iney ixtiraamaan oo qadariyaan garaadka Ummaddooda, iney tix geliyaan Ra’yigooda iyo Taladooda, iney ka jawaabaan ama ka gar baxaan wixii dadka dhex yaal ama warbaahintu ka hadasho?

Waxaan ogahay tifaftirayaalka Somalitalk, gaar ahaan raga Qoraallada Badda Horay iyo Haddaba iska xil saaray habeen iyo maalinna usoo jeedey iney cilmi baaris xeel dheer iyo daba gal iyo xiriiro ku sameeyaan, Sida Eng. Maxamed Cali iyo Xasan Dhooye, dan gaara ka lahayn, baayac mushtarna ahayn, xoolana aaney ku qaadan, balse kharashka xiriirada iyo daabacaadda ay la liicaan. Waxa dhaqaajinayaana ay tahay Islaan nimo iyo Soomaalinimo iyo Xilkasnimo. Wexey ahayd Maalintii ay Buugga Dhan u Qadimeen Madaxweyne Shariif Sh Axmed inuu Billad Sharaf ku siiyo. Wexey Ahayd Maanta haddeey wel wel kale soo bandhigeen, ama Dawladda ku Baraarujiyeen, in Dr Abdiweli Gaas uu la xiriiro, haddeey si qalada wax u fahmeen u caddeeyo, hadduu weli ku qanacsan yahay waxa uu saxiixay ka gar boxo ama warbixin kasoo saaro caddayneysa daliilka ay Dawladiisu cuskaneyso.

Waxaan ogahay Somalitalk iney Cilmi baaris dheer arrintaan u gashay, war keeduna u kala caddaaday. Waxaa u markhaati furaya sida ay dareenkaas iyo fahamkaas ugala simanyihiin, dhammaan aqoon yahannada Soomaaliyeed, iyo Khubaradii Badaha iyo Ciidamada, iyo Masuulintii Hore. Intaasu haddey ku bixin weydo Masuuliinta Dawlada Ku meel gaarka ah iney arrintan ka garaabaan, cudur daarna ka bixiyaan , sow in la yiraahdo maaha: Maxaad Na Moodeen? Ummadda Soomaaliyeed wey iska kiin celineysaa idinka iyo waxa arrimahaan dabada ka riixayaba.

BAAQ IYO DIGNIIN!!

Waxaan Leeyahay Shacabka Soomaaliyeed: Xaq qofkii lahaa daba joogaa ma lumo.. Miyaan la gaarin waqtigii dadka Soomaaliyeed intooda damiirka lihi is raaci lahayd oo qabyaaladda iyo qurunkeeda dhinac iska dhigi lahayd.. Miyaan la gaarin waqtigii aynu garwaaqsan lahayn waxa inagu dhacaya ineynu sababteeda ugu weyn innagu leenahay loona baahan yahay ineynu Ilaahay uga toobad keenno, jid toosan oo saxana qaadno. Miyaan la gaarin waqtigii aynu hebel iyo hebel iyo group hebel iyo hebel taageeradooda iyo ficiladooda ka weynaan lahayn oo Soomaaliya dad iyo dal u hiilin lahayn oo iyada taageeri lahayn. Miyaan la gaarin waqtigii aynu oran lahayn: Waa bes!! Intaasu duruus iyo cibraqaadasho noogu filan. Miyaan la gaarin waqtigii aynu xoogeenna iyo tabarteenna isu geeyn lahayn si aynu isaga qabanno waxa magaca Soomaaliyeed habeen iyo maalin ku adeeganaya, una dhihi lahayn, magacayaga ha sheeganina, qadiyadanadana haku qaraabanina.

Soomaaliyey Miyaan la gaarin waqtigii aynu is abaabuli lahayn meel kastoo aan joogno, oo waxakan wadankii looga qaxay, ee 20 sano iska daba wareeganaya, ee dad iyo duunyo midna aan ka nixi hayn, ka tashan lahayn. Miyeynaan ogayn Xorriyadda iyo Sharafta inaan laysu hibayn ee lasoo dhacsado? Miyeynaan ogayn Ummad aan iyadu doonayn iney noolaato, inaan cidina nolol u ogolayn?

Baar lamaanka Ku meelgaarka ah muxuu u aamusan yahay? Maye wadaniyiintii ku jirey? Maye dadkii damiirka lahaa ee markii horaba hawshan is hortaagey? Maanta mexey u aamusan yihiin? Mexey u hadli la’yihiin?

Waan hubaa iney Maalintaasu imaneyso Ilaahay idankii goor aan dheerayn. Ummadda Soomaaliyeedna Damiir iyo Dadnimo kama Dhammaan. Dalkeeda iyo Daneheeda akhiro iyo adduunna wey difaacan Ilahay idankii. Arrintaan Badduna waa ka mid oo ma soconeyso Ilaahay idankiis. Laakiin shaqo iyo isku duubnaan ayey u baahantahay. Waa marka ay saaxada soo galaan dadka ay Ummadda Soomaaliyeed wadato, asxaabtii � waa lay wataa  na ay meesha ka baxdo.

DKMG waxaan uga digayaa carada dadka Soomaaliyeed, maalinta ay kacdo iney la xisaabtami doonto cid kasta oo qaran nimadeeda iyo hantideeda qaran ku xad gudubtey. Waa caddahay inaaney hadda Shacabka Soomaaliyeed waxba iska saarayn, waayo isagu ma dooran, masruufkana uma hayo, wexeyna aad u dhegeystaan cidda soo dooratay masruufkana u haysa, laakiin adduunku sidan ma ahaanayo. Ha xasuusato DKMG, iyo Ugandha iyo Burundi,  iney ka tabar darantahay oo ka hawl yartahay Mubaarak iyo Qaddaafi iyo Zainu Tuunis, markii ummaddu xaqeeda u kacdo iney soo dhacsato. Dadka Soomaali har iyo hoyaan u diidey ha ogaadaan, in Maalin shacabka Soomaaliyeed la xisaabtami doono, xisaab kulul.

Ilaahayna waxaan ka baryayaa mid Kasta oo Soomaali Dulligeeda iyo saxariirkeeda ka qayb qaatay inuu Ilaahay qabto, oo Ilaahay Dulligiisa iyo Saxariirkiisa na tuso. Nacam waa habaareyna, oo waa habaareynaa, oo waa habaareynaa: Kuwa Soomaali Silica iyo Saxariirka baday, Kuwa Maatada Muslimiinta cadawga u loogay, Kuwa Magaca Muslinka Soomaaliyeed diley oo dulleeyey, inuu Ilaahay Dulleeyo, Ilaahay Dabar gooyo, Ilaahay Ummadda Ka qabto, Dhiigga Ilaahay idinku Qallaji, oo Wadnaha Ilaahay idinku Dhufey, oo Dhuuxiina dhareer ilaahay ka dhig. I laahow Ummaddaan Muslimkaa, Hoggaan wanaagsan, oo Diintaada ku hoggaansha, oo Danaha Guud ka shaqeeya,Aqoon iyo Ammana leh,  oo dadkeeda iyo dalkeedaba daryeela, usoo saar.  Aamiin. Aamiin..

W/Q. Muxamad Idris Axmad
hayaan@gmail.com

 

16 Comments so far

Leave a comment

  1. shiikha ilaahay khayr hasiiyo wuuna mahadsanyahay

  2. Walaalayaal e’mail iyo teleefoon hallagu harqiyo Dowladdan
    rabta in aay bixiso baddii Soomalia.

    Qofkii raba in uu jawaab ka bixiyo boobka badda Soomaaliya
    waa ka faaideysankaraa e-mail-yadan iyo Teleefonnadan oo ah public:

    (1)Xafiiska Ra’iisul wasaaraha – media@opm.gov.so
    (2) Telefoonada Xafiiska Ra’iisul wasaaraha waa 252615615536608 ama 252699998854
    (3)Xafiiska Madaxweynaha – media@sompresidency.org
    (4)Afhayeenka Baarlamaanka – shariif.speaker@gmail.com
    (5)xafiiska madaxweynaha email kale oo hore weeye – pmcommunicationoffice@gmail.com
    (6)xafiiska ra’iisu wasaaraha waa email hore – opmtfg@gmail.com
    (7)Safaarada Soomaalida ee Kenya – mali@somaliembassy.co.ke
    (8)Safaarada Soomaalida ee Qarammada Midoobey – somalia@un.int
    (9)Xafiiska Madaxweynaha Puntland – info@puntland-gov.net
    (10) Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta – media@mipt.gov.so
    (11)Mahiga iyo xafiiskiisa – unpos_pio@un.org

    UN…Qaramada midoobey
    Secretary of the Commission on the Limits of the Continental Shelf
    Division for Ocean Affairs and the Law of the Sea
    Office of Legal Affairs
    Room DC2-0450
    United Nations
    New York, New York 10017
    USA
    Telephone: (212) 963-3962
    Facsimile: (212) 963-5847
    E-mail: doalos@un.org

    Secretary-General Ban Ki-moon
    UN Headquarters
    First Avenue at 46th Street
    New York, NY 10017
    USA
    Email: sg@un.org

    Michèle Montas
    Spokesperson for the Secretary-General
    Email: montas@un.org

  3. Ilaah ha’aqbalo ducada cululamada amiin ilaahna ha’qabto inta somali meesha ay maryso dhigtay iyo inta wali ula ciilqabta dhibkale inay ku sii jirto somali. Ilaahna somali cudurka qabiilka ha’kabogsiiyo aamin.

  4. maashaa allaah sheekh maxamed idriis meel aad u fog ayuu wax ka arkayaa, halka kuwo badan oo wax ma garato ahi hoostooda iyo hareerahooda ku wareegaysaneyaan, soomaalidu waxay tiraahdaa fiinku waxa soo socda ayuu ka ooyaa, hadii soomaali beri hore garan lahayd waxa fog ee aysan arag ee soo socda maanta halkaan maysan oosheen.

    Caruurta yaryarkaa ee shalay burburkii soomaaliya dhalatay weeye waxa dalku ka degi la’yahay iyo mid badan oo dadka ku waalaya anigaa jannadii idiin hayee ina keena oo waxba ha u aaba yeelina maanta soomaali way weyday wixii wanaagsanaa iyo wixii kusoo xigey ee sabata bixin lahaa kii wanaagsanaana quruur iyo hawo raacnimaa dishay iyo waxgaradla,aan kii kusoo xigeyna iskiis buuba isku daad raaciyey marka ilaahay ha u keeno farad dhow oo sabata bixiya….

  5. akum shekh maxamed wixii wanaag ah alle ikhlaas hakaaga dhigo waxaan kugu nastexayn lahaa saxaafadu waxay lumisaa ixtiraamka culumada wanaa gaad rabtana dad ku mawada rabaan ee ilaali maxumo in la in aad fikradaada laakin xikmadna waa larabaa mahad sanid

  6. As-Salaamu Calaykum, Shaykha Eebbe haka abaaliyo, waa arrin wanaagsan tusmadiisu una baahan in la eego. Shiikhu waxuu ka hadlay arrin taabanaysa islaannimada iyo dadnimadaba, haddii uusan arrimo kale oo muhiim ah ka hadlin, qofkii nagu soo kordhinayow waan ku maqlaynaa ee nagu soo biiri annagoo abaal iyo ducaba kuugu darayna.

  7. ascww shiikheena qaaliga ah ilaahay ha kaa abaal mariyo qormadaan muhiimka u ah ummada soomaaliyeed meel kasto ooy joogto waana filayaa iney dareenkiisa raad weyn ku reebi doonto mid kasta oo damiir somalinimo ay ku jirto iyo wadaninimo ,islaanimo culimadana waa loo baahan yahay iney mar waliba ay umada u iftiimiyaan jidka ay ku jirto maslaxadoodu!

  8. asc walal waan idin salamay aqyaarta
    waan muhim in laga hadlo arinta ah ibsashada bada somalida ee wadaan galada iyo qolyaha ay ku adeegtaan ee meel ku garka waana waajib in sheekh maxmed idirs uu arintaa uga hadlo
    lakiin muxuu mar hore uga hadli waayey waxaa ibsiga bada ka horeyey dhlka muxuu uga hadli waayey sheekhu galada xasuuqa kawa dhulka somaliyed ee hada haysta muqdisho inta badan
    waxaa kaloo larabaa inaad soo gelisan hadalkisa websiteka si hadalka sheekhu meel dheer u gaaro wsc wr wb

  9. Asc.
    Sheekhu wuxuu cabiray fikirkiisa ku wajahan Bada Soomaaliya, culumadu waa hogaankii ummada sidaasaana lagu yiqiinnay waxa ay ummada ku hofaamin jireenna waxa ugu horrreyay Diinka Allah walwalka ugu badanna culumada diinka ayaa ku hayn jiray wali ma arag qoraal intaas la eg oo sheekh idiris kaga hadlayo umadana ugu ifinayo qaladaadka waawayn ee diimeed ee qaar kufriyaat la odhan karo ee nimankan ku meelgaarku dhex dabaasheen isagoo ka hadlaya ama qoraya, marka qoraalku waa fiicanyahaye laakiin miyaanay wax badan oo kale ka horrayn oo Diin ah Oo dad iyo shacab la gumaadayo ah oo wadankii oo danihii ummada laga hormariyay danaha gaalada
    cadowga ah. Marka sheekhow warku waa qurxoonyahay laakiin warkii wadaddada iyo culimada uma eka wadaad walwalkiisa ugu badani waa diinta sida ay nimankanu diinta ugu tunteena waxaan u malaynayaa inaysan shekh idiris ka qarsoonayn marka naftayda iyo inta qoraalkan aqrisataba waxaan odhan lahaa waxyaabo ka waawayn bad oo la doonayey in aan nimankaan kaga quusanno ayaa inna soo maray ama aan hadaba u jeednaa with all due respect sheekhana waxaan odhan lahaa nimankanu waxa ay yihiin oo dhan ummada u sheeg .

  10. ASALAMU CALAYKUM WARXMATULAAHI WABARKAATUHU SHEEKH MAXAMED IDIRIS
    XAFIDAHULAAHU WAXAAN AAD UGU MAHAD CELIN HAYAA ARINTA UU NUGU
    BARAARUJI IN SHAA ALAAH WAAN GARAB TAAGANAHAY WALAALAHANGA SOMALITALK INSHA ALLAAHU WAAN IDIN GARAB TAAGANAHAY.WAXAANA JOOGAA WADANKA NORWAY OO BADA SOMALI LAGA KARI LA,YAHAY ILAAHAY HAKA QABTO.
    SAYID NORWAY

  11. asc
    dadka qaarkiis waxaa moodaa in waaqaciga ka jira dalka inaysan la socon ama ay iska indha tirayaan. dkmg ah ma ah maamul madax banaan ee waa koox meesha la keeensadey oo wixii loosoo qoro uun aqriya. war maxaan ka hadalnaa bad, xuduud iyo kaluun la xadey shacabkii ayeyba xasuuqeen. kooxdaan waxaaaa xanuun ku haya oo kaliya doolarka ay ka helaan ragga ku ilaashada meesha dad iyo dalna dan kama laha.
    marka wax laga hadlo ayaa badan ee haddii aan wax ka hadleyno aan ka hadalno dhibaatada shacabka lagu hayo.

  12. Somalia waxey u baahan tahay Kacdoon Shacbi ah oo looga takhallusaayo cid allaale ciddi gacan ka geysatey Bur Burkii Dalka iyo Dadkaba , kaasoo keeney in Dalka a Hoggaan u noqdaan kuwii bur buriyey oo misna hadda ku hawlan iibka Dhulka, Badda, Deegaanada, Duurjoogtaba.

    Marka waa arrin Xalkeedu sidaas u sahlan, laakin waxaan shakki ka qabaa in Shacabka Somaliyed uusan weli diyaar u ahaynin inuu Wadaniyadda ka hormariyo Qabiilkiisa iyo Qab Qable Dagaalka Beeshiisa , xittaa inuu Diinta Islaamka ka hor-marinaayo Qoriga, Qabiilka, Quusiga, iyo Qab Qableyaasha Dagaalka.

    Sheekha wuu mahad sanyahay, laakin waa inuu ka soo tagaa Sacuudiga , kuna baaqaa Dagaal lagu Xoreynaayo Dalka, Dadka iyo Diintaba , waa haddii la doonaayo in Xal loo helo Somalia , haddii kale waa inaan aamusnaa oo Indhaha keliya ku fiirsanaa.

  13. asc
    Runtii waa qoraal qiimo badan waxa uu gilgilayaa damiirka qofkasta oo muslima gaar ahaan soomaalida inta islaamka aaminsan oo garanaya waxa uu qoraagu ka hadlayo, waxaan ku dari lahaa qofkasta oo akhriyaa ducada qoraaga ha ugu daro aamiin aamiin aamiin allaah si degdega ku waas ha u ciqaabo maxaa yeelay umad nooc walba oo bulsho ka kooban tahay leh bay si walba u baabi iyeen waxba may reebin.
    this is suleyman
    asc

    • Asc. Salan kadib shekhu waa mahad san yahey intaas kadib walale yaal waxan oran lahaa yuusan dalka iibsan sheekh shariif iyo intii lamac ah waa in laga hortagaa oo laga ilaashaa badda iyo biriba dalka tuugada oo raba in badda somaaliya la iibsado waxaa ka mid ah norwey waa in aan bartilmaameed ka dhiganaa danahooda afrika iyo yurub intey faraha kala baxeyso somaliya arimaheeda walaalayaal waxan oran lahaa barlamaanka muqdisho jooga dalka ka ilaasha tuugada iibsaneysa heshees kasta waa inuu iyaga maraa

  14. Shiikh Maxamad Idris Ilahey kheer ha u gordiyo, Dadaalkiisana Ha ka caqbalo. Shiikh Maxamad waxaan oranaya waa in uu waaqica suu yahay u arko. Waaqica lagu jiro waa mid aad u xanuun badan. Soomaaliya Dowlad madax banaan oo iskeed mamuul wadata ma ahan, waa la maamulaa, Dad kale baa u meeriya sida loo maamulo soomaaliya iyo dadweynaheyda. Marka Shiikh Maxamad Ilahey kheer ha ku siiyo fara kala bax siyaasada madaama cid wax kaa maqleesa ma jiro.

  15. ASC SH. M ADIS AAD AYUU U MAHAD SAN YAHAY/WAXA LAYAA BANAHAY WADAA DADII KALE WAXA KU DHACAY /WAXA UU SHIQAN GARTEY/WAXA AY LA GARAN LA YIHIIN WADAA DADA INTAA WAX NOO AKHRIYA/ILAAHOW NAGAQABO KU UMADA BOHOSHA KU RIDAYA

Leave a comment

*