Shir culimo’udiin Soomaaliyeed uga furmay Magaalada Muqdisho

September 27, 2011 - Written by

Muqdisho:-Waxaa gaaray magaalada Muqdisho culimo soomaaliyeed oo ka kala yimid gobollada dalka waxaan ay hadda ku sugan yihiin magaalada mudo dhowr cisho ah iyagoo kulankoodu uu yahay mid sanadkiiba mar ka dhaca gudaha Soomaaliya , culimada ayaan si aan xog ku helnay waxaa ay gorfeyn doonaan xaalada murugsan ee uu marayo dalka Soomaaliya waxaan la filayaa in ay ka wada hadlaan xaalada dalka Soomaaliya uu marayo iyagoo talo is waydaarsan doona.

Culimada gaaray magaalada Muqdisho ayaan ilaa hadda si dhab ah u helin magacyadood walow qaar ka mid ah aan  og nahay balse warar keena danbe ayaan ku faahfaahin doonaa shirka culimada uga bilaaban doona magaalada Muqdisho shirkaan ayaa waxaa la filayaa in uu socdo mudo 3 maalmood ah.

Guddoomiyaha hay,adda culimada Soomaaliyeed Sh.Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa yiri  ” culimadu waa lafdhabarka umada waxaan loo baahan yahay in culimada ay xal iyo maarayn u keento xaalada dalka soomaaliya oo sii mureysa isagoo ugu baaqay in culimadu ay dowrkooda qaataan.

Ma ah  markii ugu horaysay oo culimada Soomaaliyeed ay ku kulmaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya culimada ayaa  waxaa ay kualmo la qaadan doonaa waxgaradka ,Odayaasha, ganacsata , iyo culimada kale ee ku sugnaa magaalada Muqdisho. kulamo noocaan oo kale ah ayaa culimada waxaa ay ku soo qabteen magaalooyinka Garoowe  iyo
Burco.

Warka oo faahfaaahsan dib ayaan idin kala soo socod siin doonaa insha Allaahu

A/cawaaale
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. culumadu waa kuwii umada usheegilahaa wixii dani ugu jidho aduuniyo aakhiro laakiin waxaa iga su,aala dharw jeer ayay culumadu shireen ama idaacadaha ka hadleen waxaana jaab iyo amakaaga siday culumadu ugu dhiiran yihiin qolyahaan yaryarka oo gaalada iyo dawlada shariifka la dagaala sidaa silamida yaaturaa maxay ugu dhiiranaan waayeen gaaladaan gafuurada waaweyn oo umadii xasuuqaya ? ileen culumadu waxay taagan yihiin booskii nebi muxamed scw darajadaa weyn ee ilaahay uu siiyay culumada ma dhici karto inay noqdaan kuwo raali ahaansha ilaahay dhaafsadaan raali ahaansho gaalo sidaa awgeed waxaa la gudboon culumadu inay heeryada duliga iyo u khuduuca bini aadanka iska tuuraan oo umada u horseedaan xaqcad no mujaamala hadiikale waxaa dhaboobaya dantii hay,ada randa ay ku taamaysay iyagoon culumadu is ogayn ayay dad kale u danayn doonaan hadaan suuxdintan aan laga kicin

  2. mafilaayo in culumadu go,aan wax kuoola qaadankaraan maxaa yeelay xamar waxaa xoog kuhaysta gaalo xasuuqkawada marka culumadu gaaladaa ay maganta u yihiin wax lidi ku ah masoosaarikaraan taasi waa xaqiiqo alahuma inay culumadu bayaan ku adadag kuwa gaalada ladiriraaya soosaaraan waa dhicikartaa lakiin maanta mahayno nin culumadaa kamida oo diyaar u ah in sidii NEBIMUXAMED SCW gaalo uladiritay ooy uga qaxsheen makkah ama sidii saxaabadii abraarta ahayd dhibka galada ugu adkaysteen u diyaara inuu qaato talaabo sidaa u dhiiran lakiin naxariista ILLAAHAY kama quusan innculumadu boorka iska jafaan oo iskadayaan hadaan cabsida iyo inay umadda iyagaa indho u ahe u tilmaamaan inay cadawgooda umidoobaan dantoodana gartaan ILAAHAY SWT waxaan kabaryayaa inuu culumadeena waafajiyo jidkii RASUULKA IYO saxaadiisii aan runta kabaqijirin

  3. A/c waxan aad usalaamaya culimada waana loo baahanyahay culimadu in ay kulmaan si saraaxa ahna uga wada hadlaan arinta maanta taagan maadaama ay xanbaarsan yihiin dhaxalkii nabiga si dhab ahna uga wadahadlaan iyagoo alaah kacabsanaya cidnana kacabsanaynin una danaynaya diinta iyo dadka dalka cidnana aysan uga hibaysan muxaafad iyo mucarad midna maadaama kulankiina waxa ka soo baxaya dadku dhagta utaagyo waxaan xasuustaa marhore talo aad soo jeediseen in la qaadan waayay hadii la qaadlahaan naf iyo maal badan ayaa badbaadi lahaa waxay ii sheegeen masuuliyiin ka tirsan ururada dagaalama gaar ahaan jihaadiyiinta hadii la qaadan lahaa taladii culimada dhibkan taagan hadda ma dhaceen dagaalkii aan qaadnayna waan ku dagdagnay hadase mindiyo ayaa uus kutagay. waxaan culimada u rajaynayaa khayr

Leave a comment

*